Hargeysa (Hubaal) guddoomiyahii hore ee dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Maxamed Culimo ayaa ka hadlay khilaafkii ka dhashay shirweynahii Sonyo kaas oo lagu maran sanyahay hogaaminta dallada mudada labada sanno ee soo socda, Mr. Culimo ayaa sheegay in khilaafku ka dhaco meel kasta dalada Soyno waxa uu sheegay inaanu ku cusbayn khilaaf oo uu horeba uga dhici jiray islamarkaana loo baahan yahay in si afgarasho ah lagu dhameeyo sidii awalba loo dhamayn jiray waxaana uu yidhi
“Khilaafku ceeb maaha ,aragtiyo iyo afkaar kala duwana dadku way yeelan karaan. Ururadda bulshada ee SONYO ka mid tahay shirarkooda khilaaf wuu ka dhici karaa, wuuna ka dhici jiray,Shuruucda iyo xeerarka u yaala ayaa lagu maarayn karaa is faham la aan kasta oo ka dhex dhalata ergooyinka shirka iyo masuuliyiintaba.
SONYO waa qaan-gaadh, waayo- aragnimo ku filana way u leeyihiin xalinta khilaafaadka Khilaafka SONYO waxaa murgiyey siyaasiyiinta, waxaanay u muuqataa in shirka ay mucaarad iyo muxaafidku ku hirdameen.
Shirbeeleedyaddii tiro beelay ee sanadahanba socday ayaa iyaguna saameeyay quluubta dhallinyaradda.
Sidaas darteed, shaki ayaa igaga jira in qabyaalad daadejintii qaranka dil dilaacisay SONYO la gaadhsiiyey.
Bulshaddu may siinin SONYO fursad ay khilaafkeeda ku xaliso. Hubkii ugu cuslaa ee la isku isticmaalayna wuxuu ahaa saxaafadda oo sii hurisay khilaafka iyo kala fogaanta labadda dhinac.
Waxaa haboon in dhallinyaradda fursad loo siiyo inay khilaafkooda xaliyaan.
Xalka ugu haboon ee dhallinyaradda isku keeni kara waxaa keeni kara oo kaliya dhallinyaradda iyo dadka SONYO xogogaalka u ah.
Waxaan talo ku bixin lahaa in dhallinyaradda SONYO inta loolamaysa maahee inta kale arrinta soo dhex gasho oo la isku soo dhaweeyo dhallinyaradda.
Khilaafka SONYO ka dhex jiraa wuxuu dhaawac gaadhsiiyey sharaftii aynu lahayn, wuxuuna horseed u noqon karaa taariikh xumo ina haleesha iyo raad arooryo oo dib loo qaado. .
SONYO waxay ka mid tahay ururadda qaranka badbaadin doona maalinta loo baahdo. Sidaas darteed xarkii qaranka galay intaanu wada gaadhin halaga mooso,Dad badan ayaa ku hawlan xalinta khilaafka SONYO ee gacan fiican ha la siiyo. Wanaaga, wadajirka, midnimadda iyo walaaltinimaddana ha laga horaysiiyo dan kasta ”. ayuu yidhi Dr Maxamed-Culimo, Gudoomiyihii hore ee SONYO.