Khilaafkii Wasaaradda Warfaafinta Oo Laba Kacleeyay iyo Wasiir Cukuse Oo 15 Shaqaale Ah Xabsiga Dhigay

0
39

Hargaysa(Hubaal)- Ugu yaraan 14 ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta Somaliland, ayaa Arbacada Saaka xabsiga loo taxaabay kadib markii Wasiir Cukuse bixiyay amarka lagu xidhayo, sida Ramaasnews ku heshay xogo hor dhac ah.

cukuse

Khilaaf xoogle oo ka taagnaa maalmihii ugu dambeeyay  Wasaaradda ayaa u muuqda inuu soo laba kacleeyay kadib markii sida la sheegay Wasiir Cukuse Amray in la xidho Dhamaan shaqaalihii taageersanaa Maareeyihii Khilaafka wasaaraddu galaaftay ee Khadar Cali Gaas oo Wasiir Cukuse ay is hayeen.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta balse xogaha laga helayo wasaaradda ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillahi Cukuse  shalay subaxnimadii nidar ku maray in albaabka laga saari doono shaqaalihii taageersanaa maareeyihii xilka laga qaaday ee khilaafku ka dhexeeyay Wasiir Cukuse.waxana saaka wasaarada la keenay laba gaadhi oo askar ah oo amar qaba inay xidhaan qayb ka mid ah shaqaalaha,waxanay markiiba cago-juglay iyo garaacis ku bilaabeen qaar ka mid ah shaqaalah oo kala ah

Farxaan Finad Faarax farsamoyaqaan ka tirsan Tvga iyo Idaacada Radio Hargaysa

Liibaan sheikh Cali  Jawhar Cemeraman ka tirsan Tvga Qaranka

Maxamed Cabdi Xato Wariye ka tirsan Idaacada iyo Tvga

Jamaal Cabdi Naasir oo ka tirsan Tvga qaranka Somaliland

Nimcaan Axmed Cigaal oo ka tirsan Tvga Qaran;

Xasan Shaah Wariye ka tirsan Idaacada iyo Tvga iyo iyo sagaal kale oo ka mid ah shaqaale hoosaadka wasaarada warfaafinta kuwaasi oo lagu gurey baabuur askartu leedahay oo subixii hore loo diyaariyay laguna shubay saldhiga doloodho.

Shaqaalahan la xidhxidhay ayaa sidoo kale hormuud ugu ahaa cabashooyin shaqaalaha wasaaraddu ka muujiyay maamulkooda oo ku aadan Mushaharka shaqaalaha iyo dulmi ama iskuk dul noolaansho ka dhex jira shaqaalaha, kaasi oo ku salaysan dad aan shaqo qaban oo mushahar badan qaata kuwo kuwa shaqeeya oo aan mushahar ku filan qaadan.

Wasaaradda warfaafinta ayaa waxa laga cabsi qabaa inuu bilowdo mudaharad ay shaqaalaha wasaaraddu dhigayaan oo lagag soo horjeedo tacdigaa madaxda kaga imanay.Shaqaalaha la xidhay ayaa badankooda Askartu garaacday iyadoo la sheegayo in qaarkood dhaawacyo soo gaadheen.

Baabuur Boolis ah oo uu horkacayo Taliyaha Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal ayaa Wasaaradda gaadhay maadaama laga cabsi qabo in Shaqaaluhu Mudaharaad sameeyo sidii ka dhacday dhawaan wasaaradda wakhti Maareeyihii xilka laga qaaday isku dayay inuu xidho Wariye Abiib Iimaan oo shaqaaluhu mudaharaad ku hor istaagay. Waxaanu Taliye Fadal shir la galay Wasiir Cukuse.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here