“Kala Hadalka Iyo Madaxweyne Ka Daba Hadalku Ceeb Kuma Aha Haakah Sugeyaasha Hungoobay,Balse Waa Caadadood “ Xoghayaha Warfaafinta Waddani

0
30

Hargeysa(Hubaal) -Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay ka soo baxayaan hadalo iskhilaafsan oo ku saabsan Qabsoomida doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 26-ka June ee Sanadkan.

Xoghayaha Warfaafinta Waddani Boobe Yuusuf Ducaale,oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Hargeysa ayaa ugu horeyn hoosta ka xariiqay haddalo Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in doorashada wakhtigeedii la qaban doono.

“Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa waraysi  kooban oo uu 25-kii bishan siiyay Tv-ga qaranka,waxa uu kaga hadlay dhawr arrimood oo uu si kor ka xaadis ah u guud maray.Madaxweynuhu wuxuu waraysiga ku sheegay inuu Caafimaad qabo oo wanaagsan yahay Illaahayna uga mahadcelinayo,Annaguna Illaahay waxaanu uga baryaynaa inuu u sii siyaadiyo.

boobe yuusuf ducaaleIsla Waraysigii Mudane Siilaanyo isagoo ka jawaabaya Su’aal ahayd qabsoomida Doorashooyinka waxa uu sheegay inay Xukumaddiisa ka go’an tahay in Doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan,islamarkaana ay Dawlad ahaan diyaariyeen wixii kaga beegnaa doorashooyinka,Wakhtigoodiina ay ku dhici doonaan Insha Alllah.

Mudane Siilaanyo wuxuu si cad oo aan Mugdi ku jirin Waraysigiisan koobnaa ku yidhi “Dee waxay ka qabayaan inaan istaago,waan Istaagayaa,waanan taaganahay ee waa inoo garoonka”Markaas uu leeyahay waxay ka baqayaan waxaanu u qaadanay inuu u jeedo Xisbiyadda Mucaaradka ah. Khudbaddiisii labada gole ee 2013-kii Madaxweynuhu wuxuu ku sheegay inaan Saacad loogu dari doonin Muddo xileedkiisa” ayuu yidhi Xoghaye Boobe.

Mudane Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si kulul u noqdayay hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda “26-kii bishan oo shalay ahayd Wasiirka Maaliyaddu mar uu kahadlayay Xaflad Maansoor ah wuxuu ka sanqadhiyay inay Muddo kordhini iman karto,laguna khasban yahay oo ay sandule tahay marka ay timaado.Kala hadalka iyo Madaxweyne ka daba hadalku Ceeb kuma aha Haakah Sugeyaasha Hungoobay,balse waa Caadadood “ ayuu yidhi Mujaahid Boobe.

Mudane Boobe oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Annagoo Ixtiraamayna Madaxweynaha Odhan maynu wuu baqanayaa, laakiin waxaanu halkan ka caddaynaynaa Xisbi ahaan inaanu galno doorasho Dimuqraadiya,Xor ah oo xalaal ah oo loogu tartamayo Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Wakiilada oo mar wada qabsooma”

Boobe waxa uu iftiimiyay doorka Doorashada ay Xukumaddu ku leedahay “Madaxweynaha iyo Xukumaddiisa waxaa loogama fadhiyo oo kaliya inay diyaariyaan waxa  doorashadu u baahan tahay,waxase laga rabaa inay xilli hore ku wareejiyaan Komishanka Doorashada si Doorashada loo Muddeeyo”

Xoghaye Boobe waxa uu farriin u diray Bulshada Somaliland “Qaaciidada aanu Shacabka Somaliland u soo jeedinayno inay Guntadaana waxa weeye Muddo kordhin doonku waa Doorasho diid,Muddo kordhin diidkuna waa doorasho doon,Maalin aan fogayna Macaan cune muuqan doonee” ayuu yidhi Boobe.

Hadalka Xisbiga Waddani ayaa imanaya iyadoo Madaxweyne Siilaanyo Safarkiisii Gobolada kadib waraysi uu siiyay Wariyihiisa gaarka ah uu ku sheegay inay ka go’an tahay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto islamarkaana uu musharax yahay. hase ahaatee Wasiirkiisa Maaliyadda Cabdicasiis Samaale ayaa ku dooday inaan Qabsoomida doorashadu ku xidhnayn Xukumadda iyo Madaxwweynaha,sidoo kalena Muddo kordhin suuro gal ah u ishaaray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here