Ka Bogo: Natiijada Hawl-gal Qaran Oo Ciidammada Qalabka Sida Ee Jamhuuriyadda Somaliland Ku Fuliyeen Malleeshiyaad Dhawaan Soo Weeraray+Khasaaraha Ka Dhashay

0
63

 Hargeysa (Hubaal)- 15th/July/ 2014 (Hubaal) – Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shalay hawl-gal jawaab ah kaga daba-tagay maleeshiyaad doraad Jidgooyo ugu galay meel koonfur kaga began magaaladda Laascaanood.

Hawl-galkan ayaa ciidanka qaranku ku qabteen maxaabiis. Islamarkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ugu geysteen koox ka amar qaadata maamulka la baxay Khaatumo oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka wadda gobolada bariga Somaliland.

Doraad ayey ahayd markii maleeshiyadda Khaatumo ay jidgooyo u galeen ciidanka Somaliland, isla markaana dagaal kooban dhexmaray. waxaanay shalay ciidanka Qaranku ka daba tageen maleeshiyeedkii.

Mid ka mid ah ciidanka dagaalka la galay maleeshiyaadkaasi dhuumaalaysiga ku jira ayaa sheegay in gaadmadii doraad ay askari ku dileen, halka ay laba maleeshiyaadkaas ahna ay ka qabteen, sidoo kale waxay dagaal ay ciidanku qaateen kusoo qabteen nin dhaawac ah, halka laba kale ka dileen.  “Ciidanka waxay jidgooye u galeen meel  Laascaanood kaga beegan Koonfurta, waxaana ka soo qabanay laba qof, halka ay hal askari naga dileen, marka saaka (shalay) ayaanu ku kalahay goobihii ay joogeen iyagoon fileyn, waxaanay ahaayeen sodan qof, laba waanu ka dilnay midna dhaawac ahaan ayaanu u soo qabanay, intii kallena way baxsadeen”ayuu yidhi mid ka mid ah askarta hawlgalkaasi gashay oo khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Saxafi.  “Ciidankaasi wax gaadiid ah may wadan, anaguna maanu wadan,”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Photo File ku qor oo warka koowaad geliCiidanka Qaranka iyo maleeshiyadda Khaatumo ayaa goobo kooban waxaa ku dhex maray dagaal, kuwaas oo markiiba kala eryey maleeshiyaadaasi.

Dhinaca kale, taliyaha guutadda 12aad ee Laascaanood ayaa sheegay inay kala eryeen koox uu ku sheegay inay yihiin dhul jiif kaantaroolo ay dadka ku baadhaan ka samaystay magaaladda Kala Baydh, kuwaas oo ay sheegeen inay ku cadibayeen dadweynaha rakaabka ah, balse ay ku guulaysteen inay kala eryaan kooxdaasi budhcadka ah. “Waxay ahaayeen niman dhul jiif ah, waxayna ugu tallogaleen inay dadka rayidka ah ku dhibaateeyaan, waxayna ugu tallogaleen inay ku baadhaan dadka meesha maraya ee ka yimaadda magaaladda Kala baydh, halkaasi in badan waxa mara gaadiid badan oo Rakaab iyo xamuul iskugu jira, ka dib markii ciidanku ogaaday waxaanu u dirnay cutub ka mid ah ciidanka si ay usoo baa’biiyaan una soo qabtaan waxaana laga soo qabtay sadex ka mid ah, waxa meesha galay may ahayn kuwo uu aabo yeelay deegaanka gobolka Sool, waxayna ahaayeen dad qawlaysato ah oo aan cidna u tudheyn waana lagu guulaystay hawlgalkaasi”ayuu yidhi taliyaha 12aad ee ciidanka Laascaanood Axmed Hure Haariye oo ka warbixiyey budhcad kaantaroolo dhigtay degmadda Kala baydh ee gobolka Sool.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here