Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan oo Talo Waayeel U Soo Jeediyey Madax-dhaqameedka,Shacbiga,Axsaabta Qaranka iyo Warbaahinta Somaliland.

0
30

Marka hore waxaan ku bilaabayaa Salaanta Islaamka ee ah Asalaamu Caleykum wa raxma tulaahi wa barakaatuh,inta badan ma jecli in aan warbaahinta ka hadlo,balse waxii daruuri ah ee markaa taagan in aan ka hadlaa waa igu waajib,waxaanan hadal qoraal kaygan aan idiin ku soo gudbin doonaa talooyin aan u soo jeedinaayo Afarta rukun ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland horumariyey.

hhuy

Madax Dhaqameedka

Sida aynu wada ogsoonahay Madax dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland wa inta aynu dheer nahay walaalaheena Somaliya,taasi oo aynu kaga duwanahay lexla jeclada iyo wadaniyada ay madax dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland u hayaan dadkooda iyo dalkooda,taasi oo keentay in tiirka koowaad ee dhibada u taagay Jamhuuriyada Somaliland uu yahay madax dhaqameedka,waana Illaahay mahadii in ay maanta shacbiga reer Somaliland marka ay wax yimaadaan ay ku majiirtaan Madax dhaqameedka.

Hadaba Waxaan madaxdhaqameedka u soo jeedinayaa in aanay ka aamusin waxyaabaha dib u dhaca tacabkeeni ku keenaya maadama oo aynu u guurnay Axsaab qaran,cida qabyaalada wada ee sida qaldan u adeegsanaysa,waxaa waajibkiinu uu yahay in aad ka wacyi galisaan.

Inaga oo og in Xisbiyada qaranka ee aynu samaysanay in ay cod ka doonayaan min Barri Illaa Galbeed oo ay Asxaab Qaran ay yihiin.

Saddexda Xisbi Qaran

Tallo soo jeedintayda Labaad waxaa ay ku socotaa sadexda Xisbi qaran iyo Madaxdooda,waayo sadexda Xisbi qaran waxa weeye Muraayadii Caalamku ka daawanayey Jamhuuriyada Somaliland,waxaa laydin ka baahan yahay in aad shacbiga ku wacyi galisaan bahweynta Xisbiga KULMIYE,bahweynta Xisbiga WADDANI iyo bahweynta Xisbiga UCID,oo aad min Tuulo illaa Gobal abtirsiinteedu ay noqoto bahweynta Xisbiga KULMIYE,bahweynta Xisbiga WADDANI iyo bahweynta Xisbiga UCID taasi oo meesha ka saaraysa qabyaaladii.

Madaxda sadexda Xisbi qaran waa in ay is cadeeyaan oo ay shacbiga u cadeeyaan in aanay daan raali ka ahayn qabyaalada la wad wado,waxaan leeyahay waar carabka ku adkeeya Bahweynta,waayo bahweynta maan maqal baryahaas intii UDUB ka danbaysay.

 

Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland Gudo Iyo Dibadba.

Guud ahaan shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaa aynu ogsoonahay tacabka iyo dadaalka shacbi ahaan aynu ku soo gaadhnay halkan waa Illaahay mahadiiye ee aynu maanta taaganahay, waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado oo qof waliba doorka uu leeyahay uu ka qaato kana hortago waxii wax udhimaaya Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland iyo Axsaabta Qaran ee aynu samaysanayba,taas oo ah in qabiilkii aynu ka guurnay ay qaar inaga mid ahi doonaan in ay dib inoogu celiyaan,taas oo inagu keenaysa dib u dhac aynaan u baahnayn sumcadeena iyo ku dayashadii laynagu dayanayey ee aynu Somaliya tusaale ugu ahayn ee caalamku ku lahaa ku dayda Somaliland wax u dhimayso.

Markaa waxaa aynu u baahanahay in aynu ka shaqayno horumarka,iskuna wacyi galino,Soomaaliduna waxaa ay ku maah maahdaa salad walba xiligeeda ayaa la tukada,waynu ka soo gudubnay xiligii qabyaalada,waxaa aynu usoo gudubnay wakhtigii wakhtigii Xisbiyada qaranka waayo maanta xiliga aynu taaganahay waa xiligii horumarka,gaar ahaan waxaan leeyahay qurba jooga waxaa laydin ka baahan yahay idinka oo horeba u maal gashaday dalkiina aad hadana maal gashataan si aad dadkiina shaqo abuur ugu samaysaan,oo aad warshado keentaan si aad shaqala’aanta jirta aad qaybtiina u dabooshaan.

Ugu danbeyntii shacbiga waxaan leeyahay abtirsiinteenu ha ahaato bahweynta Xisbiga KULMIYE,bahweynta Xisbiga WADDANI iyo bahweynta Xisbiga UCID.

 

Saxaafada Kala Duwan Ee Jamhuuriyada Somaliland

Waxaan ugu danbayntii aan jecelahay in aan talo iyo dardaaranba aan siiyo Saxaafada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland oo qayb laxaad leh ka qaadatay horumarka dalka ka jira,waxaan idin xasuusinayaa halkay ka soo bilaaban tay iyo halka aynu maanta marayno oo saxaafadeenu waa xor laakiin Xornimada Saaxafada yaan qalad laga fahmin .waxaan leeyahay Somaalidu waxaa ay ku maah maahdaa War meel dheerbaa uu ku dhacaa,Dhagaxna meel dhaw,waxaan uga jeedaa tusaalaha aduunyadu maanta waa makhsin kaliya oo waxba uma kala qarsoona,waxaa laydin ka baahan yahay waxii aad qoraysaan in ay ku jirto tudhaale iyo lexlo jeclo dalkaaga iyo dadkaagaba ah,qalinkaagu ha noqdo mid dalkaaga iyo dadkaagaba aad hore ugu mariso,sumcad wanaagsana aad caalamka ku tusto.

Qalinkaagu yaanu noqon mid cadawgaaga ka farxiya,Nasteexaagana ka nixiya.waxaan idin leeyahay marka aad wax qoraysaan dalkiina u tudha oo kala shaan dheeya wararka aad baahinaysaan,waayo baryahan danbe waxaan ku arkaayey warbaahinta qoraalo lagu qoraayo oo ah Madaxweynihii la doortay wadanka kama taliyee Marwadiisa ayaa ka talisa,ka Marwada wax ka qoraaya ama mid Marwadu Edo u tahay ha ahaado amaba mid ka dheerba ha ahaado ,waxaasi miyaanay sumcad xumo inagu ahayn oo Saxaafada iyo shacbigaba aanay ceeb ku ahayn.

Waxaas oo kale dhaqanka waa u meel ka dhac Saxaafadana waa ku qalad,waa in aynu u tudhnaa dhaqankeenii soo jireenka ahaa oo wa in qofka warkaa soo qoray uu Masuulka Shabakadu ama Haayada Warbaahineed kala shaandheeyo oo uu dadka u baahiyo waxii munaasib ah ee shacbigu u baahan yahay,waayo waxaasi ka looga baahan yahay in uu kala shaandheeyo waxa ay Haayada warbaahineed shacbiga u bandhigaysa waa Masuulka Haayada Warbaahineed ama Tifatire ha ahaado ama Guddoomiye ama Masuul kale oo ay leedahayba.

Ugu danbayntiina waxaan naftayda iyo nafihiinabana ana kula dardaarmayaa cabsida Illaahay.

 

Wabillaahi tawfiiq

 

Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xusseen Xassan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here