“Xeerilaalinta Gobolka Hargeysa Waxay U Baahantahay Gaadiid Iyo Dhaqaale ku Filan “…. Ku Xigeenka Xeer ilaalinta
“Waxaan Ahay Masuul Dhan Oo Gunnada Yar Ee uu Qaato Aanay u Dheerayn Falaas Shaah ah (petty Cash) “
“Xeer Ilaaliyayaasha iyo Garsoorayaashu Dalku Ma Qaataan Dhaqaale ama Mushahar Ku Filan Oo Ay Kaga Badbaadaan Laaluush”
Hargeysa(Hubaal) Guddoomiye ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Cismaan Mire ayaa ka waramay kiisaskii iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee soo maray xafiiskooda, “sanadkan aynu imika ku jirno ee 2014-ka bishii January koowdeedii ilaa 31-ka Augost qorshaha ay lahayd, dacwadaha ciqaabta ah ee xeer ilaalinta xafiiskeedan soo gaadhay 879-kiis ayaa soo galay, 776 ka mid ahi way dhamaadeen, waxa weli socda 103 noocyada danbiyadan ka dhaca gobolkani Maroodi Jeex way badan yihiin, waxaanu uu sheegay in ay soo af-jareen kiisas badan oo isugu jiray dacwadaha Kufsiga ciqaabta guud ,Tuugada iyo kuwa madaniga ah, kuwa loo yaqaano lidka dadka, kuwa lidka hantidda, danbiyadda lidka jinsiga iyo kuwo kale oo badan
Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeelanay barnaamijka Gar iyo Garsoor , isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xafiiska xeer ilaaliyaha gobolku shaqada uu bulshada u qabtaa waa mid ballaadhan. Waxaana la odhan karaa waa shaqada ugu xasaasisan ee qof bani-aadam ahi ka shaqayn karo. Mararka qaarkood xeer ilaaliyaha kiiska aanu u dhiibnay isaga dhibaato ayaa ka hortimaada, isaga laftigiisa ayay dhibaato ku tahay.
Sidoo kale ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, waxa uu ka waramaya kiisaskii iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee soo maray xafiiskooda, “sanadkan aynu imika ku jirno ee 2014-ka bishii January koowdeedii ilaa 31-ka Augost qorshaha ay lahayd, dacwadaha ciqaabta ah ee xeer ilaalinta xafiiskeedan soo gaadhay 879-kiis ayaa soo galay, 776 ka mid ahi way dhamaadeen, waxa weli socda 130 noocyada danbiyadan ka dhaca gobolkani Maroodi Jeex way badan yihiin, kuwa loo yaqaano lidka dadka, kuwa lidka hantidda, danbiyadda lidka jinsiga iyo kuwo kale oo badan. Markaa haddii aan kuu sharaxo sida ay u kala baxaan dacwadahan na soo gaadhay waxaa ka mid ah dhac amd boob hanta qaran, shaqo is-hortaaga laga horyimaado ciidamada booliska, tuugo ayaa ka mid ah, lunsi hanta qaran ayaa ka mid ah, khasaarayn hanta ayaa ka mid ah, khayaamo ayaa ka mid ah, taasi o oimika aad u badan, xadgudubka, dhinaca dhulka oo weliba boob dhul dan guud u badan ayaa ka mid ah, iyada oo mararka qaar isweydiinayso meeday shaqadii dawlada hoose, oo aad arkayso marka dacwadaha la furana, Fayl ay dawlada hoose ku bixisay, oo aad is odhanayso dawladda hoose iyada ayaaba dadkii qoorta isku gelinaysa.
“Runtii sidaad la socotaan waxa jira kiisas badan oo xaas xaasi ah kuwaas oo khatar ku ah nolosha garsoorka ama Xeer ilaaliyaha qaadaya dacwadahaasi isla-markaasina u baahan in si gaar ah looga warhayo ammaankooda iyo nabad galyadooda marka ay qaadayaan noocyada kiisaska kala ah sida, Al Shabaabta,Alqaacidada,Argagixisada iyo Budhcad badeeda kuwaas oo runtii ah kiisaska ugu badan ee ay qaadaan ama ay fuliyaan Maxkamadaha wadankeenu.” Ayuu yidhi ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka Hargaysa Axmed Cismaan Mire, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxa loo baahanyahay garsoorka ama Xeer ilaaliyaha dacwadaasi qaadaya inay cidamada amaanka ka helaan ilaalin dheeraad ah si loo sugo amnigooda,
Dhamaana waxaa ay sooo baadheena waxay ku soo ururtaa aakhirka natiijadeedu kolba xeer ilaalinta xad dhuleedkeeda haday gobol tahay, kiisas xeer ilaalinta guud ku soo dhaca way jiraan waliba kiisaska calculus xeer ilaalinta gobolka Maroodi Jeex ee anigu imika aan mudaba laba sano aan madaxda ka ahaa.
Wax soo saarkaygu waxaa weeye kiiskaa aanu ka shaqaynayno markaan ku soo dhawaado tusaale ahaan sanadkan imika aan ka jirno 2014 bishii koowaad kowdeedii ilaa iyo 31 April oo shalay ahayd dacwadaha ciqaabta ah ee ay xeer ilaalintu ka shaqayso oo na soo galay waxaa weeye 879 kiis ayaana soo galay 76 ayaa dhamaaday waxaa wali socda 103 kiis nooca danbiyada ee ka dhaca gobolkan way badan yihiin danbiyada lidka ku ah.
Jinsiga tusaale ahaan danbiyada lidka dadka waxaa ka mid ah dhaawaca dilka iyo waliba isku day dil iyo lidka hantida tuuga dhac xatooyada xoole dadweyne.
Jingsiga lidka waxaa ka mid ah kufsiga iyo wixii la mid ah jinsiga lidka dadka waxaa ka mid ah.
Anagu shaqada aanu qabanaa sida dastuurkaba ku cad iyo shuruucda kale ee khusaysa xeer ilaalinta waxaa ay tilmaamaysaa waajibka xeer ilaalinta iyo dhismaheeda, dhismaha xeer ilaalinta waxaa weeye xeer ilaalinta guud iyo waaxo iyo lixdii gobol ee hore oo uu meel walba joogo ku xigeenka oo la shaqeeya gobol kasta.
Waajibka xeer ilaalinta waxaa weeye waa ka hortaga danbiyada iyo ka daba tagooda marka ay dhacaan iyo ilaalinta qaababka dalka ilaaliya oo mid kastaa oo xilkan haga marka ay wax ka soo maraan waa inuu yaqaana dalka haddii talo laga waydiiyo waxaa intaa dheer oo waajibka xeer ilaalinta ka mid ahaa intii aan imika garyaqaanka guud ee dhisin oo xilkaana ay haysay xeer ilaalinta guud waxaa kale oo waajibaadkeeda wuu yahay ilaalinta hantida qaranka, ilaalinta hantida agoomaha iyo masaakiinta oo ay maxkamada hortooda uga doodo, shaqadaanu haynaa waxaa weeye shaqo bulsho, waxaanana ka shaqaynaa gal dacwadeed (kiis) hay’adaha baadhista markaa ay soo baadhaan hay’adaha baadhista waxaa ka mid ah booliska, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ahna madaxa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodi Jeex, garyaqaan Axmed Cismaan Mirre, ayaanu ka waraysanay sida ay u socdaan hawlaha ay qabtaan iyo sidoo kale waxyaabaha ay shaqadoodu tahay, waxaanu yidhi “sida shuruucda tilmaamayaan waajibaadka xeer ilaalinta guud waa ka hortaga danbiyadda iyo ka daba tagooda marka ay dhacaan, iyo ilaalinta qaanuunka dalka.
Sidoo kale waxa ka mid ah shaqadda xeer ilaalinta guud, inay ilaaliso lana socoto wixii hanti qaran ah iyo u doodista dadka masaakiinta ah sida carruurta agoomaha ah iyo dadka jilicsan oo ay maxkamadaha hortooda uga dodo markaa shaqada aanu haynaa waa shaqo bulsho, waxaananu ka shaqaynaa fal dacwadeed ama kiis dhacay “hay’adaha baadhistu marka ay kiisaska soo baadhaan ayaa anaga lanoo soo gudbiyaa, hay’adaha baadhistana, waxa ka mid ah booliska, hanta dhawrka iyo mararka qaar gudi gaar ah loo saaro, ama loo magacaabo, dhamaanba waxa ay soo baadhaana waxaa loo soo gudbiyaa oo ay natiijadeedu timaadaa, xeer ilaalinta guud ee qaranka”.
Axmed Cismaan Mirre, waxa kale oo uu tilmaamay in kiisaska soo maray sanadkan ay ugu badan yihiin dagaaladda dhex mara dhalinyaradda kooxaha ah, waxaanu sheegay dhalinyaradaasi ay dhibaato amaan daro oo weyn ku hayaan caasimadda.
“Dacwadaha na soo maray sanadkan oo i
s-dilay, kuwaasi oo imika ad dhibaato dalka ugu haya, gaar ahaana caasimadda, iyaga oo imika magaaladda amnigeeda khatar ku haya, waxaanay marka hore isugu yimaadaan kubad marka danbena kooxaysi dagaal iyo shido abuura, meel uu ka yimid dhaqankaasi garan mayno. Waa carruur aan waalidkoodiiba gacantooda ku jirin, oo iska wada fawdo noqotay”.
Waxa kale oo ka mid ah danbiyada na soo maray ka ganacsiga maandooriyaha oo meel khatar ah maraya.
Waxa kale oo uu tilmaamay Axmed Cismaan Mirreh, in dacwadaha kale ee ugu badan ee soo maray sanadkan ay ka mid yihiin maandooriyeyaasha gaar ahaana khamriga oo uu sheegay inuu si aad ah uga yimaado dhinaca dalka Itoobiya, isla markaana uu soo galo magaalooyinka dalkaa waxaanu intaasi ku daray in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatadaasi, waxaanu ugu baaqay bulshada inay ciidamadda amaanka gacan ku siiyaan wax ka qabashadda maandooriyahaasi. “Itoobiya waxaa inooga timid oo bilaabantay masiibo cusub oo ka weyn tii qaadka, kaasi oo ah khamri sida daadka inoo soo galaya, iyada oo ay ciidamada habeenkii wareegaa baabuurta yar yare e wareega ku soo qabtaan iyada oo khamri lagu dhex haysto, taasi oo khatar hor leh ah, oo imika kaba sii daran kana soo socoto mushkilad ka daran, kana weyn tii qaadka, loona baahana yahay in laga baraarugo oo wax laga qabto, hay’adaha amaankana ay dadweynuhu gacan ka siiyaan wax ka qabashadda dhibaatadaasi, marka dadka reer Hargeysa taasi waanu ku baraarujinaynaa, oo ka kaca oo iska qabta ayaanu leenahay, oo ciidamada amniga gacan ka siiya”.
Waxa kale oo sheegay garyaqaan Mirre in fal danbiyeedyadda soo maray ka mid yihiin, dacwado inagu cusub gaar ahaana kuwa la xidhiidha kufsiga, “waxa kale oo ka mid ah danbiyadda na soo maray sanadkan kufsiga, oo ay ku jiraan qaar aynaan dhaqanba u lahayn, oo ah wixii ay gaaladu isticmaali jirtay diin cay, masuuliyad darro, fidin warar been ah iyo aflagaadayn madaxeed ayaa ka mid ah dunuubta na soo martay samayn iyo soo gelin lacag been abuur ah ayaa ka mid ah, sumayn dad ayaa ka mid ahi, isku day dil iyo falal argagixiso iyo kuwo amaanka ku lidi ah ayaa ka mid ah, koontaro baan ayaa ka mid ah way badan yihiin.
Waxa soo raaca ee labaad waxa weeye ciyaalka shuftada ah ee dalka ku soo batay oo iyaguna xuduudii ka baxay, oo waalidkii marka nin walba inankiisa shufto lagu soo qabto waxa uu ku odhanayaa Tafsiirka ayuu dhiganayay oo uu ku jiray iyo jaamacadda ayuu ku jiray oo imtixaankii ayuu fadhiisanayasy , istaandar foor buu ahaa iyo istaandar tirii buu ahaa, goor alaale iyo goor uu shuftada noqday iyo goor uu waxan sameeyayna ma oga. Halkan ayay igu soo martay aniga inanka jaamacadda ku jiray ee imtixaankii u dambeeyay u fadhiisanayay ee shufto lagu soo qabtay ee budhcad nimo lagu soo xidhay, berrina imtixaankii jaamaca ayuu u fadhiisanayaa aabihiina jaamacad ayuu ugu maqan yahay, taasina halkaas ayay igu soo martay. Markaa waxaan shacabka u soo jeedinayaa in ay ka feejignaadaan fawaaxishka iyo waxyaabaha dhaqan xumada ah ee keenaya isku dhaca bulshada iyo qabsiga qoysaska.”
Axmed Cismaan Mire waxa kale oo uu intaa raaciyay “Dhibaatooyinka noocan ah iyo foolxumooyinka ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa suuban, waxa ay ka abuurmaan waxa weeyaan duruufaha dhaqaale ayaa ugu badan waxyaabaha keena. Waxa keena oo kale marka waalidku ay mar kasta is qardoofaan iyagu ee waalidku ay mar kasta is qassadaan ee hadalkoodu bato. Ninku marka uu qayral masuul yahay hooyaddiina ay ka daran tahay markaas ayay dhibaatadu imanaysaa.
Waxaa dhacda, dumarka qaar baa ninka ku soo eedeeya, gabadh aan ula imi ayuu kufsaday, ama gabadhii uu dhalay ayuu kufsaday. Kiiskii marka aad baadho ee aad soo xaqiiso ee uu waxba kama jiraan noqdo ee aad iyadii soo xidho ayay ku odhanaysaa waan iska hadlayay. Dhibaatada ugu badan iyo masiibadda hadda inagu dhacday waa kufsiga.
Laakiin way jiraan iimha shaqo ama dhaliilaha shaqo taana waxaanu la qabnaa dalka intiisa kale oo waxaan dareensanahay in jiraan dhaliilo la xidhiidha xifradaha mihinadda garasho la,aan ay jiraan in kasta oo lagu sii kala daranyahay hawguba sii darnaadaane dhinaca Ciidamada Boolisku oo runtii ah halka ay cadaaladu ka soo unkanto ama bilaabmanto,isla markaana ah meesha ay naga soo galaan kiisaska ama dambiyada aanu ka garnaqno ama baadhno maxaa yeelay horaa loo yidhi alufka kaa leexdaa albaqruu ku dhibaa markaa hadii cadaaladu wajiga hore ka xumaato ama isteenshinadii ka qaloocato way adkaanaysaa sida loo toosiyaa
Mar uu ka hadlayey xeer ilaaliyahu xaaladda maxaabiista ku jirta jeelka wayn ee magaalada Hargeysa.ayaa waxa uu sheegay in uu gabi ahaanba uu xidhanyahay jeelkii waynaa ee loo sameeyey dadka maxbuuska ah in lagu xidho ayaa oo waxa la wareegtay Haay,ad maxaabistiina waxa lagu rumaangareeyaa Saldhigyada sidaasina sharci maaha oo waxay ceeb iyo dhabar jab ku tahay bahdii cadaaladda iyo garsoorka iyo guud ahaan xukumadda Somaliland
Waxa kale oo uu ka hadlay xeer ilaaliyahu dhinaca baahiyaha lagama maar maanka ah ee ka jira xaga shaqadooda Runtii hadii aan ka hadlo xaga baahiyahayaga waa kuwo aad u liita marka loo eego hawlaha shaqo ee aanu ummadda u ahayno markaa walalao waxaan kuu sheegayaa inay jiraan baahiyo fara badan oo aanu dareensanahay marka lays barbar dhigo shaqada aanu qaranka u hayno iyo waxa yare e aanu ka qaadano runtii waxaanu qaadanaa guno yar oo aan waxba ka tari Karin baahiyahayaga,
Horta waad yaabi doontaa hadii aan ku idhaahdo ninkaygan wayn ee masuulka ahi ma lihi Falaash Shaah ah oo biti kaash ah oo martiyi hadii ay iiyimadaan shaah uma diri karno,maxaa yeelay
Xeer ilaaliyaha waxa uu intaasi ku dartay oo uu soo jeediyey in garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha loo sameeyo gaadiid iyo dhaqaale ku filan oo ay naftooda kaga badbaadiyaan laaluush iyo musuqmaasuq uu ku sameeyo shaqadiisa ,inta dad aan gar qaadin loo dirayo taas oo aan qabo in ay iyagu yihiin cida kaliya ee mudan ama xaq u leh in loo sameeyo xataa askar illaalisa
waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha kufsiga oo dalka ku soo badana waxaanu ku tilmaamay masiibo qaran oo inagu soo korodhay, waxaanu tilmaamay in arrintaasi ay sabab u tahay xafiisyada iyo hay’addaha loo samaystay “Kufsigu maaha wax la iska yidhaahdo, waa masiibo qaran oo inagu soo korodhay, waxaasina waxaan qabaa in ay sabab u tahay xafiisyada iyo hay’addaha loo samaystay, awalba Somaliland ayaa arrimaheedaa baadhan jirtay oo isku filnayd, iminka iintii ajanabi dhex galay ee uu yidhi kufsi baan wax ka qabanayaana waabay sii korodhay. Dumarka la kufsado boqolkiiba sagaal iyo sagaashan ayaanad helaynin in ay maxkamad hor yimaadaan. Sannadkanna kama badanayaan ilaa toban kiis.”
xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka Hargaysa Axmed waxa uu gabagabadii kula dardaarmay bulshada in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha keena isku dhaca qoysaska iyo bulshada, isla markaana ay raacaan sunnihii rasuulka (CSW) iyo toobihihii ILLAAHAY inoo qoray, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa shacbiga in ay ka foojignaadaan waxyaabaha isku dhaca keena, in la raaco sunnihii rasuulkeena Maxamed (CSW), waxaan u soo jeedinayaa in la raaco toobiyihii ILLAAHAY inoo dhigay, waxaan u soo jeedinayaa in lagu noqdo dhaqankeeni hore ee suubanaa. Waxaan u soo jeedinayaa bulshada in la iska daayo ku dayashada dhaqamada gaalada.”
By: Axmed Macalin Maxamuud