Jecliya Waddankayga – Qallinkii Nimco Baashe Cabdi  

0
26

Hadaynu nahay dadweynaha waddanka Somaliland ma ogtahay muwaadin in dhismaha wadankeenu ku xidhanyahay gacmaheena? Hadaynaan dhisin wadankeena ma jirto cidkale oo inoo dhisaysa, maaah in aynu nidhaa maxaa wadanka loo dhisi waayay? Waayo waxay ka dhigantahay qof gurigiisii inta uu hagaajin waayo uu  yidhaa guriga  ha la ii hagaajiyo,  hadaanad shaqeysan yaa kuu shaqeynaaya,  maaha in aynu nidhaahno waxaan leeney dowlad markaa dowlada ayaa wax walba noo qabata, maaha in aynu dowlada wax walba ka sugno, maaha in aynu nidhaa,  dawladii  ayaa waxba noo qaban wayday, madaxweynu waxa uu la mid yahay muwaadinka cashuurta bixinaaya, muwaadin ha diidin in aad bixiso cashuurta wadankaaga, mawaadin cashurtaad bixisaa waxay la mid tahay biilka aad u soo saarayso qoyskaaga ama reerkaaga.

 Cashuurtu waa mid dib ugu noqoneysa dalkaaga, muwaadin hadii aad diido inaad bixiso cashurta waxaad la mid tahay qof biilkii u diiday carruurtiisa, taasina waa wax laga xumaado, ogow muwaadin lamaa huraan waa dhulkaaga Hooyo ,aynu dhowrno wadankeena aynu dhisno dhulkeena, aynu u hagar baxno dhulkeena Hooyo, Jecliyaa wadankeyga, Jecliyaa dhulka Hooyo, dadwayne aynu dalkeena, maal gashano si aynu hadhow u helno dhaxal, aan mid faro waayeelka,waxaan leeyahay dalka inooo dhisa, waayo waxaad tihiin wax garadkii, dalka oo noo maqan,  midna waa ta, an u diraayo dhalinyarada, u dhashay wadankan  somaliland, Dhalintu waa ubixii waddanka u soo koraayay ee bari beddeli lahaa kuwa maanta jooga ee dhaxli lahaa, muwaadinka dhabtaa waa ka ilaashada waddankiisa.

NimcoWaddankagu wuxuu  kugu leeyahay abaal aan la gudi Karin, muwaadin ka dhabtaa waa ka wadankiisa ama dhulkiisa, hooyo  dhiig iyo dhuuxba u shuba, waa ka wadankiisa u hura naftiisa.

Haddaba, dhallinyarooy waxa inoo ballana inta dhoofka  ugu maqan dalkeena iyo inta ka qallinjabineysa jaamacadaha, dugsiyada dhammaan waa in aynu u soo jeedsanaa, dhismaha wadankeena,  waana howl laha qarankee  u baahan siday hantidu  u hagaagayaan, horseed ka ahoow.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here