JAMAAL CALI XUSEEN OO KA HADLAY MURRASHAXNIMADA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO MUUSE BIIXI

0
41

“In albaabadda loo xidho Haatuf iyo Somaliland Times, madaxdoodiina la xidho waa sharci-darro, daandaansi iyo cabudhin lagu waddo saxaafadda oo badhna la…”

 

Hargeysa (Hubaal) – Murrashaxa jagada madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay murrashaxnimada madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, isagoo sidoo kale  xukuumada ku eedeeyey xadhigga masuuliyiinta wargeyska Haatuf iyo  dhibaatooyinka lagula kaco saxaafadda madaxbannaan.

jamaal cali xuseyn

Mr. Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay  in murrashaxnimada madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi isugu mid yihiin, cidii xisbiga KULMIYE ka soo baxdana uu diyaar u yahay inuu kula tartamo doorashada madaxtooyada ee la qorsheeyey inay Somaliland ka dhacdo badhtahama sannadka 2015.

“Murrashaxnimada KULMIYE KULMIYE waa iskugu kay mid oo cidii ka sharaxan annagu waa la tartamaynaa oo hawl badan iyo halkay wax dhigeen iyo buuggii cagaarnaa baa horyaal. Muuse Biixi iyo Siilaanyo midkii murrashaxanimada KULMIYE ku soo baxaba diyaar ayaan u ahay inaan la tartamo. Mida kale haddii heshiisku ahaa Muuse Biixi shanta sanno ee dambe in loo daayo bay ahayd, inkastoo madaxweynuhuna xaq u leeyahay inuu mar labaad tartamo. Laakiin, ummadda ayey u taal, xisbiga KULMIYE doorashay ku yimaadeene iyaguna dalka in doorasho wakhtigeedii ah oo tii Golaha Geegaanka ee ay ku fashilmeen aan ahayn baa laga rabaa. Xaalkuna ma noqonayo dhagax meel la dhigo iyo xil-wareejin joogta ah,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo isagoo jooga magaalada Sydney ee dalka Australlia khadka telefoonka ugu waramay Naasir Aadan Maxamed oo ka tirsan bahda Wargeyska xayiran ee Haatuf Media Network xalay.

 

Waxa kale oo uu si xooggan u cambaareeyey xadhiga Guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska xayiran ee Haatuf, isagoo arrin aan la qaadan karin ku tilmaamay tacadiyo uu tilmaamay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku hayso saxaafadda madaxbannaan, waxaannu yidhi; “In albaabadda loo xidho Haatuf iyo Somaliland Times,  madaxdoodiina la xidho waa sharci-darro, daandaansi iyo cabudhin lagu waddo saxaafadda oo badhna la iibsaday, badhna la yidhi car juuq dhaha, badhna la xidhay. Guddoomiyaha Haatuf Media Network Mujaahid Yuuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatiraha Haatuf ee la xidhanba waxaannu leenahay waa arrin aan la qaadan karin oo aan waddadii saxda ahayd loo marin, run ahaantiina waa wax cidkasta oo damiir lihi ka xishoon lahayd in dadkii xasaabada ku lahaa wadankan in maalinba mid la bahdilo oo waliba tacadi xun lagula kaco.”

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in muddada  xukuumada madaxweyne Siilaanyo talada dalka haysay la xidhay 57 suxufi oo ka hawlagala hay’adaha kala duwan ee warbaahinta, isagoo ku eedeeyey inay tahay xukuumad xabsiga ku gurta weriyeyaashii ugu badnaa, halka uu ka xusay in dawladdii Rayaale 8 suxufi xidhay muddadii 8 sanno ahayd ee ay xukunka haysay.

 

Jamaal isaga oo ka hadlaya sida uu u dhacay xadhigii iyo dacwadii Haatuf lagu soo oogay, waxa uu yidhi; “Waxa wax lala yaabo oo fajaciso galinaysa bulshadda ah in suxufiyiintii Maxkamadda Gobolka Hargeysa cagahooda ku tagay iyaga oo sita caddaymihii wararkii lagu haystay ee haddana markii ay is yidhaahdeen is difaaca waxba laga dhagaysan-waayey, waliba la cabudhiyey qareennadii daafacayey madaxda Haatuf, iyagoo loo diiday inay labadii Wasiir ee maxkamadda hor yimid inay wax waydiiyaan, waxaas oo dhan iyo waxyaabo dalka ka dhacay muddadii xukuumadda Siilaanyo waa waxyaabo sumcadii wadankeenna hoos u dhigay in badan.”

 

Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha lagaga hortagi karo xadhiga iyo cabudhinta xukuumadu ku hayso xoriyatul-qawlka iyo saxaafadda madaxbannaan, waxa uu yidhi; “Waa in xisbiyadda mucaaridka in ay dadka abaabulaan oo iyaga iyo ururrada saxaafadda, sida SOLJA oo ay mudaharaad arrinkan ah ka galaan baa laga rabaa. Laakiin cidda qudha ee dawladda dastuuriyan u yeedhi karta ee culays gudaha ah saari kartaa waa Golaha Wakiillada oo aad moodo inay dawladdii ku biireen. Hadda Waa kuwii xilligii Daahir Riyaale iyagu mudaharaadyadda abaabuli jiray iyagaana sharciyan qaban kara xukuumadda oo ay bulshadu wakiilatay oo ay dadku doorteen.

 

Markaa waxaan arrintaas kaga baxyaaa oo aan u arkaa in lagu soo afjari karo tacadiyada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo mudaharaado joogto ah oo saxaafadda iyo xisbiyadu ugu hiilinayaan iyo Golaha Wakiillada oo kaalintoodii ciyaara iyo wadamadda Somaliland taageera iyo hay’adaha caalamiga ah oo culeys saara xukuumadda.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here