Jaamacadaha Dalku Yaanay u Horseedin inay Ardaydu Tahriibto!! By: Cabdirisaaq Barre Jaamac

0
49

cabdirisaaq barre jaamacWaxaan qormadan manta aan ku eegaynaa ama aan isdul taagin doonaa Arin u Eeg Masiibo qaran balse inteena badan ka moogan nahay. Waa Arin taabanaysa Dareenka Muwaadin kasta oo lexojeclo ka hayso dalkiisa iyo dadkiisaba waana hubaal inay Mustaqbalka fog  inagu keento cawaaqib xumo dhamaan teen ina saamaysa. Jaamcada Hargiesa oo ah Jaamcada ugu balaadhan Somaliland iyada iyo Amoud University ayaad moodaa in Sanadba sanadka ka sii danbeeya ay tayo beelayso marka laga Hadlayo dhinaca Tacliinta markaynu u eegno Jaamacadaha dalka ka jira. Hadaba Jaamacad Hargeisa oo ay dhigtaan tirade ugu badan ardayda Somaliland ayaa waxaa loo baahan yahay in Fiiro gaara loo yeesho, hadaba muuqaalka guud ee jaamacada Hargeisa waxaad moodaa Jaamacad dhisan dhisme ahaan iyo Deegaanka ay ku taalo jamacadu, laakiin xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta waa mid Murugo iyo Xusuus xun kugu ridaysa markaad eegto. Iyada oo halkii ardayda danyarta ah ee aan waxba haysan kuna xisaabtama jamacada Hargeisa ee dawladu leedahay inay galaan iyo ka helaan waxbarasho tayo leh kana jaban kuwa kale ay marba marka ka sii danbaysa lacagta ku kordhinayaan, taasina waa dhib iyo naxdin haysata waalidka oo markii horeba la daalaa dhacayay lacagta ay imaka bixiyaan. Tusaale ahaan Islaan markeedi horeba suuqa waaheen ku haysatay in yar oo tamandho ah marka laydhaahdo inankagi jamacada ku dhigan jiray $ 170 waxa laga doonayaa $240 miyanahy ahayn dhib wayn oo soogadhay. Dhinaca maamulka oo aan wax dan ah ka qabin Jiilka wax ka baranaya Jaamacada Hargeisa  kuwaas oo iyagu ku maqan sidii ay xoogaa maaliyad ah uga heli lahaanyeen ardayda, Tusaale ahaan imtaxaankii Semesterka ardayda  Freshta ee sanadkan 2012-2013 waxay ahayd mid aniga iyo qof walba oo aqli leh na taabatay waxaa ay ahayd in Maamulkii ugu sareeyay jaamacadu uu arday ka timid ID Card dhadoodii laakin sidata waraaqo cadaynaya inay ka mid yihiin Jaamcada kuna bixiyeen lacagtii Semesterka ay ka saareen imtaxaankii ay Xaqa u lahaayeen, taas oo la doonayo in hadhaw Recourse noqdaan lacagna ay bixiyaan si xisadaa laga saray ay u buuxiyaan maamulkina  maaliyad uga helo, kuwaas oo marka horeba la daalaa dhacayay Duruufaha wadanka ka jira ee ay ugu horayso camal la,aantu, intaas waxaa u sii raacsanayd in Arday lagu qabtay ID card dho anay lahayn in midkiiba lagu xukumay min $100 UDS  Taasina waa dhib haysata waalidka iyo ardaygaba, ma aha markasta oo uu ardaygu danbi gali in xaga lacagta loo la cararo ee waa in si kale loo ciqaabo. Iyado waxasoo dhami jiraan ayaa waxaa dhawaanahay ku darsantahay in aqoontii saree dalku u eegtahay mid marxalad damiirka nooli u diidayo , waxaa caado noqotay in qofwalbaaba jaamacad furto waxaa wax walbaaba Milgo iyo Sharaf yeeshaan marka Ehelkeeda loo daayo , loona nisbeeyo cidii u qalanta dhanka ka kale wuxuu karaamo yeeshaa dhulku markuu qofku hunguri iyo dano shaqsiya u baabiiyo meelna uga dhaco danta guud. Dhanka kale iyana waxaa xusid mudan in dhamaan ardayda inta badan ka qalin jabisay Jaamacadaha dalka ay camal la’aan yihiin kana niyad jabeen dalka, inta badan qofka jaamacada wax ka dhigayaa waa inay ahaadaan qof khabiir ku ah waxaa uu dhigayo ama waxaa uu ardayda barayo, waa inuu sameeyay qoraalo badan waa in uu ahaado qof loo noqdo markay maado adkaato, tusaale ahaan Macalinka IT waa in u taabsiiyaa qalab Practical ah si arday tayo leh u wadanka uga soo baxdo taasna waxay ku xidhan tahay jaamacada.  Waxaaa loo baahan yahay in wax wayn laga qabto isla markaana wasaarada Waxbarashadu kor meerto xaalada ay ardaydu ku sugan yihiin, tusaale ahaan markaan leeyahay hala kor meero waxaa dhici karta in macalin iyo ardaygiisu wax saa u badan aanay Is dheerayn taasina waxay hoos u dhac ku keenaysaa awoodii  ikhtiraacnimo. Hada waxaa aynu ogsoonahay in wadankeenu marayo xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha  waxaana suurto gal ah in qoysaska qaar sadexda wakhtiba aan daba loo shidan , iyadow sidaasi tahay qaar ka mid ah ardayda ayaa waxaa haysta duruufo dhaqaale oo mararka qaarkood aan u saamaxayn in uu sii wato waxbarashadiisa waxaana la gudboon qof walba oo damiir leh in uu la socdo xaladaas. Sidoo kale masiibadan Tahriibta ee wadanka ku habsatay waxaan u malaynayaa in qayb laxaad leh ka qaataan jamacadaha dalku, kuwaas oo markasta gorgortan ugu jira sidii jeebka ardayga ay u baadhan lahaayeen ha ugu horayso jaamacada Hargiesiye.  Intaa waxaa u dheer farsamo xumo iyo Tayo la’aan haysta iyada oo dhaqanada noocan ah lagu arkayo jamacada Hargeisa sanadadii danbe taas oo uu ka kow yahay Gudoomiyaha meesha qabsaday iyo rag kale oo Deaman ah oo iyagna lacagtaas ardayda uun toosh ku raadinaya. Hadaba waxaas hadii wax laga qaban waayo waxaa dhici doonta in ardaydu isa sii xajin Kari waayan dabaded ninba ficilkii lagudboonada uu la imado. Markaa waxaan kula talinaynaa Dawlada Axmed Maxamuud Siilaanyo in arinkan faraha la soo galaan oo ay u naxariistaan ardaydooda.  Madaxwaynuhuna waa in uu gudi u saaraa arinkaa iyada oo rag wasiiradiisa ahi ku jiraan Boardka jaamacada waxna ay ka qaban karaan arinkan hadii ay daacadnimo  laga helo.

By:    Cabdirisaaq Barre Jaamac

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here