Hargeysa(Hubaal) -Dalladda guud ee jaaliyadaha Somaliland ee dalalka Scandinavian-ka (Sweden, Denmar iyo Norway), ayaa si weyn uga soo horjeeda in cid aan reer Somaliland ahayn madax looga dhigo xafiis Hargeysa looga samaynayo mashruuc dawladda Sweden ku maalgelinayso awoodaha iyo tayada qurba-joogga Soomaalida (Somaliland iyo Soomaaliya), kaasoo magaciisa la yidhaa Somali Diaspora Programme.
Mashruuca lagu dhisayo tayada iyo awoodaha qurba-jooga Soomaalida ah ee ku nool dalka Sweden (Somali Diaspora Programme), waxa ujeeddadiisu tahay in lagu maalgeliyo, lagu adkeeyo tayada iyo awoodaha maamul ee qurba-joogga si ay mustaqbalka awoodda la geliyey uga faa’iideeyaan horumarka adeegyada kala duwan ee hay’adaha dawliga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa kaloo mashruucaasi si gaar ah xoogga u saarayaa kobcinta dimoqraadiyadda iyo xuquuqal-insaanka, sinnaanta dhinaca shaqada ee labka iyo dhedigga (gender equality), joogtaynta hab-nololeedka dadka caadiga ah ee ku dhaqan gudaha degaannada Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo sidoo kale lagu dhisayo awoodaha waxqabad ee dhinacyada wada-shaqayntu ka dhexayso.
Haseyeeshee, dallada qurba-joogga Somaliland ee dalka Sweden iyo wadammada la isku yidhaa Scandinavians (Norway, Denmark iyo Sweden), ayaa si xooggan uga soo horjeeda in xafiis loogu talogalay in mashruucaas ku yeesho caasimadda Hargeysa madax looga dhigo cid aan ahayn muwaaddiniinta xaqa u leh ee reer Somaliland, iyadoo la doonayo in xafiiskaas loo dhiibo nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Gedo iyo Kismaayo.
Jaaliyadaha Somaliland, ayaa sheegay in dawladda Sweden sidan oo kale u maalgeliso qurba-jooga dalkeeda ku dhaqan ee ka soo jeeda dalalka bariga Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Tanzaniya, iyagoo waddamadaasi shardi ka dhigay in masuuliyiinta mashruucaas maamulaya noqdaan muwaaddiniin u dhashay dalalkooda, halka xafiiska mashruucaas ee Muqdisho loo dhiibayo nin degaankaas u dhashay, xafiiskooda Puntland-na madax looga dhigayo masuul reer Puntland ah, sidaas darteedna tahay in xafiiska Hargeysa loo dhiibo qof u dhashay Somaliland.
Waxa kaloo dalladda qurba-joogga Sweden ugu baaqeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in aanay oggolaan in cid aan reer Somaliland ahayn madax looga dhigo xafiiska mashruuca lagu taageerayo jaaliyadaha Soomaalida ku yeelanayo Hargeysa, arrintaasna laga digtoonaado, loona hawlgalo sidii xafiiskaas loogu dhiibi lahaa muwaaddin si qaybta Somaliland ee mashruucaas noqdo midho-dhal.
Dalladda Qurba-joogga Somaliland ee Sweden, ayaa ka mid ah jaaliyadaha ugu waxqabadka badan ee ka jira waddamada qaaradda Yurub, waxaanay dalladdaasi qabanqaabisay shir caalami ah oo arrimaha Somaliland lagaga hadli doono, kana dhici doona magaalada Sweden, 20 April 2015, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan wasiirro iyo madax sare oo ka socda dawladda Sweden, masuuliyiin ka socda dawladda Somaliland iyo diblomaasiyiin kale, iyadoo shirkaas lagu falanqayn doono qaddiyadda Somaliland iyo inay tahay goob amni ah oo ka duwan, kana madaxbannaan Soomaaliya.
source:ramaas