“Jaaleyaal, Hadduu Tareenka Xejistay, dee Iska Daaya!” Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

0
39

Madax weynihii jamhuuriyada dimuqraadiga somaliya, hogaamiyihii xisbigii hanti wadaaga kacaanka somaliyeed, gudoomiyihii golahii sare ee kacaanka isla markaana taliyihii guud ee ciidamada qaranka somaliyeed, Jaale Maxamed Siyaad Barre ayaa u qudbadeeyey xisbigii hanti wadaaga kacaanka Somaliya hadalkiisii dheeraa wuxuu ku soo gunaanedey, kacaanku waa tareen dhawr meelood ayuu is taagayaa ninkii ka dega loo joojin maayo, ka dibna waxa si deg deg ah isu taagey nin aad u dhawaaqaya waxaanu yidhi; Jaale madax weyne ninka aan isba lahayn ka deg, laakiin laga tuurayo maxaad odhan lahayd?.

Mujaahid-Cali-XaraaroSiyaad Barre ayaa yidhi “oo kaasi muu jiraa?” markaas buu ninkii yidhi “haa oo waa aniga” dabeeto jaale Siyaad ayaa intuu yara hakaday yidhi; jaale xagan u soo dhawoow yaa kaa tuuraya tareenka?.

Ninkii oo baqanaya ayaa eegey halkii ay fadhiyeen ragii awooda badnaa ee golaha sare, markaasuu jaale Siyaad isna halkii eegey dabeeto intuu yara dhoola cadeeyey yidhi; jaalayaal haduu xejistey tareenka,oo uu hawsha kacaanka ka adag yahay dee iska daaya.

Waxaan uga socdaa waxa la ii sheegey in wasiir cukuse habeen dhaweyd uu tegey qasriga madax tooyada kulana kulmay Axmed siilaanyo iyo inta uugu awooda badan kacaanka beeleysan ka dibna uu cabasho dheer ku cawday oo yidhi anigu isma lihi cidbaa kaa daacadsan habeen kumaan seexan debeda ayaa laguu ruuri laakiin waa la isii wadaa garana maayo cida hawsha wada ka dibna Axmed siilaanyo ayaa yidhi waar haduu hawshiisa ku filan yahay iska daaya

Qalinkii: mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here