Guddida Dhalinyarada Garxajis Oo Shaaciyey Shirweyne Horaanta APRIL Lagu Qabanayo AW BARKHADLE+Qoddobada Ajendaha Uu Huwan Yahay Iyo Tirada Ergooyinka Loo Qulay Ka Qayb-galkiisa
Hargeysa (Hubaal)-Qaban-qaabada Shir-weyne lagu falan-qaynayo marxalada dalku marayo, gaar ahaan xaaladaha masiiriga ah ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada Beelaha Garxajis ayaa maal-mihii u dembeeyey laga dareemayay guud ahaan Somaliland gaar ahaana Caasimadda Hargeysa.
Shirweynahan oo ay hagayaan Guddi qaban-qaabo oo ka mid ah ururka Dhalinyarada Beelaha Gar-xajis ayaa la weriyey in horaanta bisha soo socota ee April lagu qaban-doono deegaanka Aw-Barkhadle ee duleedka Bari ee Caasimada Hargeysa, halkaas oo muddada uu socdo lagaga arrinsanayo, xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo arrimo bulsho ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada Somaliland, gaar ahaanna Beesha Gar-xajis, waxaana shirka lagu casuumay Ergooyin metelaya dhammaanba gobollada iyo degmooyinka ay Beelaha Ga-xajis degaan.
Sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynahaas Mr. Xuseen Xasan Cabdillaahi oo warbaahinta loo qaybiyey, ayaa qoddobada ajandaha ee muddada uu socdo oo saddex Maalmood ah loo qoondeeyey in lagaga hadlo waxaa ka mid ah:
-Doorashada Guddida Cusub ee Dhalinyarada Gar-xajis
-Midaynta cududa iyo isku duubnida dhalinyarada Gar-xajis iyo sidii ay isku xidhnaantooda iyo mawqifkoodu mid u ahaan ahaa
-Falanqaynta iyo aayo-ka-talinta doorashooyinka Somaliland ee laga dar-daar werinayo dib u dhacooda, maadaama oo dhalinyaradu tahay cududa ugu ballaadhan ee codaysa marka Codbixinta doorashadu timaado.
-Muujinta Mawqifka dhalinyaro ahaan ay ka qabaan muddo-kordhinta Hoggaanka dalka marka muddo xileedkiisu dhammaado
– iyo Adkaynta nabad-gelyada iyo madax banaannida Somaliland oo ah muqadas.
GOORMA AYAA SHIRKU QABSOOMAYAA?
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabadu waxa uu qoraalka uu soo saaray ku iclaamiyey waqtiga uu shirweynuhu qabsoomayo oo ku beegan maalin jimce ah oo bishu tahay 10-ka Bisha April ee sanadkan 2015 ilaa 12-ka Isla bishaas.
Sidaas darted, waxa guddoomiyaha guddida qaban-qaabadu farriin u diray dhammaanba dhalinyarada shirkani khuseeya isaga oo ugu baaqay in mudada ka hadhsan furitaanka shirkaas oo aad u kooban awgeed ay deegaannadu sii xulaan ergooyinka uga qayb galaya, gobol ahaan iyo degmo ahaanba.
ALAA MAHAD LEH
Hussein Hassan Abdillaahi Yuusuf
Guddoomiyaha Gudida Qaban-qaabada shirweyanah