Addis Ababa, (Hubaal)- Dawladda Itoobiya, ayaa ka hadashay ujeeddada loo abuurayo xarun dhowaan magaalada Muqdisho ay si wada-jir ah u dhagax-dhigeen madaxweyn Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud.
Sida lagu sheegay war-murtiyeed Xarunta lagaga hadlay oo lagu daabacay bogga Internetka ee wasaaradda arrimaha Dibedda Itoobiya, waxa ujeeddada xarunta lagu sheegay in ay taha goob lagu xoojinayno horumarinta Afsoomaaliga isla markaana Muhiimaddeeda koowaad ay tahay inay masuul ka noqoto diyaarinta luuqad koobsanaysa lahjadaha ay isticmaalaan dhamaan bulshooyinka Af-soomaaliga ku hadla ee ku kala nool Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.
War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laguma sheegin doorka ay dawladda Itoobiya ku leedahay hirgelinta Xaruntan maadaama Luqadda Soomaaligu tahay luuqad ay ku hadlaan dadka tiradooda dhowr milyan lagu qiyaasay oo waddanka Itoobiya ku dhaqan.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibad ay todobaadkii hore isaga Madaxweynaha Jabuuti si wada-jir ah ugu dhagax-dhigeen Xarunta, waxa uu ku sheegay in horumarinta Afka Soomaalidu muhiim u tahay horumarka Soomaalida.
“Hadaan luuqadeena hooyo horumarinweyno, way lumaysaa, isticmaalkeeduna meesha wuu ka baxayaa. Waa waajib ina saran inaan horumarino luuqadeena Af-Soomaaliga,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Geelle oo muddo dheer u ololeynayey horumarinta Suugaanta Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in tallaabada lagu hirgelinayo xaruntani ay horseed ka noqonayso waxa uu ku tilmaamay dedaallada dib loogu soo celinayo muuqaalkii Soomaalidu ku lahayd Gobolka.
source:himilo