Guuleed waxuu ahaay wiil dhallinyaraa, oo aad u maskax iyo miir badnaa. Markii uu yaraa waxuu ku soo barbaaray deegaannada Koonfureed ee Soomaaliya. Waxuu xifdiyey Quraanka, markii uu
gaaray toban iyo labo sano jir, waxuu ahaay cunug aamusnaan badan, mar kasta caraysan, mashquulsan, bulshadana ka soocan, una arko wax kasta qalad iyo mugdi. Qoyska uu ka dhashay way u diideen in uu ku biiro iskuullada lagu dhigto maaddooyinka Sayniska ah, iyo cilmiyada kala duwan, waxayna u arkeen wax qaldan oon Eebbe raalli ka ahayn, oo maskaxda wiilkooda burburinaya.
Waxaa la geeyay lagana soo diiwaan galiyey College ay maamusho hey’ad Carbeed, oo ka mid aheed heyadaha sama-falka u joogay waddanka, sida ay astaanteedu ahayd. Halkaas ayuu waxuu ku billaabay in uu barto manhajka Salafiga ah, ee ku salaysan aragtida Wahaabiyadda, isaga oo aad u xifdiyey buugaagta ay qoreen ragga faafiya aragtida Wahaabiyadda iyo kitaabbada saldhigga u ah, sida; kuwii uu qoray wadaadkii la oran jiray IBNU TAYMIA, iyo qaar ka maid ah ragga ku abtirsada mad-habta Xambaliyadda. Guuleed shan sano kadib waxuu iska baddalay magaciisii, waxuuna u baddalay “ASADULLAAH” oo macnaheedu yahay “Libaaxii Eebe” (Geesigii Eebe).
Caro iyo ciil ayaa ka guuxayey maskaxdiisa, bulshadana waxuu ka qaatay suurad aad u qaldan, isaga oo isu haysata inuu ku dhex noolyahay BULSHO GAALOWDAY! Una baahan in ay dib ugu soo laabtaa Tawxiidka iyo dhaqanka suubban ee Islaamka sida ay isaga la tahay, taas oo ay ku sii dhalisay markii uu aqristay buuggii uu qoray wadaadkii Masriga ahaa “SAYID QUDBI” ee la magac baxay “MACAALIM FIDDARIIQ”.
ASADULLAAH waxuu billaabay in uu tababbar ku qaato duleedka magaaladii uu dagnaa. Waxuu la kulmay rag Soomaali ah oo sokeeye uu ka dhigtay iyo kuwa shisheeya ah, oo uu ka jeclaaday markii dambe dadka kuwa u xigay, (Waalid iyo qaraabo). Raggaas oo agtiisa ka ahaa HALYEEYO, waxay tuseen fal iyo farsamo sidii uu ugu rogi lahaa aqoontii uu soo bartay iyo buugaagtii uu indhaha ku kala qaaday waxii ku qornaa, waxayna ku abaabiyeen qaabkii uu ku dhaqangalin lahaa waxa uu ku taamaayay habeen iyo maali ba.
Subax kasta waxuu tababbar u aad jiray bannaanka magaalada, isagoo samayn jiray, bootinta, oradka, fuulidda fardaha, tafidda buuraha, ka boodidda dabka, koridda darbiyada, adeegsiga hubka nuucyadiisa kala duwan iyo furfiriddiisa, adeegsiga bistooladaha nuucyada ugu casrisan, gaar ahaan kuwa aan dhawaqa bixin. Laylin dheer kadib, markii la hubsaday inuu yahay mahlig weyn, oo aan nixin, jiir damqin, lahayanna dabac iyo il naxariiseed ayaa waxaa loo xilsaaray in uu unko dhallinyaro isaga oo kale noqota, hawshooduna tahay fulinta dilalka, qaajirinta, toogashada iyo mishimidda abaabulan, ee aadka looga soo shaqeeyay.
ASADULLAAH Waxuu billaabay in uu toos u qaato amarka Amiirrada ka sarreeya, loona diro qofkii loo baahdo in laga taqalluso. Isagu “ASADULLAAH” waa nin dhaga fudud, waxyar hadla, wax badanna qabta. Aad iyo aad ayuu ugu farxay markii loo magacaabay darajadaas weynanka badan, oo ah waxii uu hamminaayay muddo dheer.
Waxuu gudagalay in uu dilo shaqsiyaad muhiim u ah bulshada, Macallimiin, Taqaatiir, Injineerro, waxgarad, aqoon yahanno, maamuleyaal, oday dhaqameed, saraakiil ciidan, iyo wax galka bulshada, kuwaas oo loo fara fiiqay oo kaliya, isaga oon garanayn waxa uu ku dilayo, waxa ka dilayo iyo qofka uu yahay.
Marka uu qof soo dilo waxay ahayd marka qura ee farxad iyo guul wajigiisa laga garto, laga aqrin karo dareenkiisa, inta kale, wuxuu ahaa waji macbuus xirxiran. Inta uusan falka gaysan iyo kadib markii uu ku guulaysto hawlgalka qaarijinta ee loo xilsaaray waxuu ku ducaysan jiray erayo dhaadheer oo af Carabi ah, macnahoodana uusan si qumman u aqoon, marka laga reebo inuu korka ka xifdisan yahay iyo in lagu yiri xilligaa ayaa la aqristaa.
Dilalka nucaan ah waxuu fulin jiray xilliga Salaadda la aado, maalinta Jumcaha ah, habeenkii iyo xilliyada shaqada laga soo laabto ama laga soo kala dareero goobaha waxbarashada. Qof kasta oo uu dilaayana wuu hubsan jiray in uu dhintay, naftuna ka baxday, haba ku qasabto taa inuu qofka dhaawac tiro ama xabbado inta la dul yimaad uu ku faarujiyo qasanaddiisa. Dilal fara badan kabacdi ASADULLAAH waxuu noqday dilaa xirfad yaqaan ah, aadna loogu aamino hawlaha sirta u ah ee laga fuliyo dhammaan Soomaaliya, waqoyi iyo koonfurba. Waxuu gudagalay in uu xirfaddan baro dhallinyaro sidiisa oo kale harraad u qabta shaqadaan.
Wuu heli jiray wax kasta oo uu u baahdo hiil iyo hooba, meeshuu tagaba si sahlan oo aan dhib lahayn ayaa loogu soo dhaweyn jiray, taas oo isaga qudhiisu uusan ogayn cidda isku sii dubbaridaysa, mana ahan in uu ogaado muhiim.
Wiilkan oo noqday ISLAAMIISTE DILAA AH, oo si hagar bax leh u filiya awaamirta muqaddaska u ah ee madaxdiisa sare, heer uu codsaday dhawr mar in uu noqdo ismiidaamiyo naftiisa u hura sara u qaadidda Oraahda Eebbe, balse, laga diiday codsigiisa. Wuxuu habeen kasta ku riyoon jiray isaga oo SHAHIIDAY oo dhiig ku dhexjira, shirifka dhiigaasuna uu miskiga ka caraf badanyahay, dhax muquuranayana Jannatul Fardawsa, iyo gabdhihii Xuurul Caynta ahaa, wabiyaal Qamri iyo caano ah, taas oo markii waagu u baryo uu maalin kasta ka sheekayn jiray isaga oo ilmaynaya, kana ciil qaba sida loogu diiddan yahay isqarxinta, looguna soo koobay shaqadiisa dilalka abbaabulan oo kaliyah.
ASADULLAAH waxuu indha guduudin iyo salaan qasab ah ku soo gali jiray mar marka qaar guriga qoyskiisu ku noolyihiin, cidda oo dhanna way ka cabsan jireen, ugu dambaytiina waxuu helay fursad qaali ah oo loogu soo bandhigay in uu noqdo Shahiidka todobaadkan. Waxuu ku qayla dhaamiyey erayga ALLAAHU AKBAR, taas oo uga dhigan inuu helay mirihii guusha.
Maalintaas oo dhan waxuu u taagnaay Salaad iyo sagootinta asxaabtiisa, isdiyaarinta iyo qaabkii uu u waji lahaa gabagabada nolashaan Adduunyo ee liidata, una aadi lahaa meeshii loo yaboohay ragga nuuciisa oo kala ah (Al-JANNAH) waa sida ka dhaadhacsaneed isagee, lagana dhaadhiciyey in badano o isaga la mid ah. Saaxiibbadiis qaarkood way ka xumaayeen meesha cidlada ah ee uu uga tagay saxiibkoodii qaaliga ahaa, waxuuna is ku qarxiyay goob dad iyo duunyaba joogeen, isaga oo salfaday masuuliyiin kooban, dad rayad ah, iyo duunyo kalaba, jirkiisuna cad cad u googo’ay, dardaarankiisu waxuu ahaa inta uusan dhiman ka hor “Ka soo taga dunidaan dulliga ah, ha na ka soo taginnina idinkoon wax uun ka nusqaamin gaalada iyo munafiqiinta” iyo erayo badan oo uu ka dhaxlay raggii uu tubtooda qaaday sida maalqabeenkii Sacuudiyaanka ahaa “Usama Bin Laadin” iyo dagaal yahankii reer Falastiin “Abdalla Azaam”.
Dil qiil leh, qarax Aayad ku daaban, qaarijin Xadiis huwan iyo cabburin qofka ay dhaqan iyo u tahay caado, haddana, diin iyo sheeganaya shareeco, marka laga yimaad inuu dantiisa gaarka ah huwina wax muqaddas ah, waxay shaki la’aan muujinaysaa sida dad badan ugu qatalmeen ama ugu qaldameen sheeko nacaseedka ubadka, dhallaanka, da’yarta iyo dhallinyarada lagu dabar goynayo, ee loogu halligayo tuba an toosnayn.
Abdi-Aziz M. Shidane