IS BAR BAR DHIG: Guurka Kentucky (Maraykan) iyo Guurka Hargeysa (Somaliland) – W/Q. Mustafe Axmed Xasan

0
33

mustafeeHeerka koboca dhaqaalaha iyo barwaaqo soorannimada bulshooyinka marka la rabo in wax laga ogaado, waxa la sameeyaa cilmi baadhis ku qottonta is bar bar dhig iyo isku dhererin.

Meelaha ugu fiican ee laga eego is beddellada togan ee ku tacalluqa korodhka dhaqaalaha waxa ka mid ah HEERKA NOLOSHA (Living Standard), iyo DAKHLIGA QOFKA MARKA LOO EEGO KA QARANKA (Per Capita Income). Waxani waa arrimo dhaqaale, waxay se bixiyaan sawrio cajiib ah. Waxa laga yaabaa inaad maqashay Qatar ayaa ugu sarreeysa adduunka DAKHLI QOFEEDKA (Dakhliga dalka oo loo qaybiyay Tirada Dadka), Haddaan si kale kuu tuso, marka laysu qaybiyo dakhliga soo gala dalka iyo tirada dadka dalka Qatar, qofkiba waxa ku beegmaya USD $102,1001. SIdaa maxaad ka fahamtay? Waxaad ka fahamtay, in reer Qatar beri hore dhiishii faqriga tuureen. Markaa waa gar adna waad u garaabi haddaad aragto nin reer Qatar ah oo gaadhi siisanaya USD $100,000. Way u gaadhay!

Qormadan kooban waxaynu isku bar bar dhigi doonaa heerka nolosha Somaliland teenan laan gab ka ah, iyo ta Maraykan oo ah ninka sheegta maanta inuu dunida ugu tun buuran yahay. Waxa kalaynu isku dhererin qarashka ku baxa aroosyada labada degel. Markaynu sidaa samayno, waan hubaa oo waad yaabi. Hase yaabin, ee ila raadi xal.

Aaan ku horreeyee waxaan dhawaan akhriyay buug ay soo saartay Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista oo la yidhaa Buugga Talo-Bixita Guur-doonka. Guddigu waxay sameeyeen baadhis qotto dheer siday ku sheegeen buugga. Waxa guurkii u qaybiyeen saddex dabaqadood, ta dhexe waxay ku qiimeeyeen inay ku kacdo adduun dhan $9500 (Sagaal kun iyo shan boqol oo Doollar), Dhanka kale waxay ku qiimeeyeen cel celiska mushaharad bishii qofku qaato $400 (Afar boqol oo dollar). Anna waxaan si toos ah loo taabsiis ah idiinku sawiri muddada ay kugu qaadanayso doob yahaw inaad guursataa. Ila dhugo xisaab falladan hoose.2

Submitxisaab

Haa, waxay kugu qaadan inaad biirsato qarashka guurka muddo ku dhaw 8 sanno. Waxba ha deg degin, waqti kaama dhawa!

Dhinaca kale, Waddanka Maraykan ayaa ah kan ugu cudduda buuran dhanka dhaqaalaha adduunyadan casriga ah. Dakhliga shaqsiga ee sannad laha ah waxa lagu qiyaasaa USD $52,800 3 (Sannadkii 2013), bishiina waxay noqonaysaa inay qofkii ku beegmayso USD $4400. Haddii ay arini sidaa tahay, intaynaan ku dhererin Somaliland, aan idin la wadaago qarashka ku baxa guurka 10 gobol oo ku yaal Maraykan (Ka aynu doorannay waa ka ugu qaalisan)

Submitxaisab

Aan u soo noqdo imika Somaliland, dabadeed ku dhereriyo guurka maraykan, geba gebadana ku tuso ka qaalisan iyo weliba inta goor ee uu ka qaalisan yahay. Somaliland waa dal curdin ah, intaa idiin daafin maayo. Se dakhliga qofka ee sannad laha ah ayaa lagu qiyaasaa USD $348 4 (Marka laysu qaybiyo Dakhliga sannad laha ah iyo Tirada dalka), Bishiina USD $29. Qiimaha guurka dabaqadda dhexe ayaa Iyana lagu qiimeeyay USD $9,500. Aan judhaba kaa sii yaabiye sidey kula tahay in nin dakhligiisa billaha ah lagu qiyaasay USD $29, uu ku guursado adduun dhan USD $9,500, saw inuu sinaysto, marna hablaha dhaco oo la baxsado maaha?! Tani waa sababta guurka xaaraanta ah iyo macaasidu inoogu batteen.

Waa kan is bar bar dhigii guurka Kentucky iyo Hargeysa, si fiican u dhugo oo u dhuux, talada iyo faalada iyo sida waxa qaldan loo saxayo waxaan u dhaafayaa bulshada.

Su’aal: Haddii doob jooga Kentucky oo dakhligiisa sannad laha ahi yahay USD $52,800 uu ku guursanayo adduun dhan USD $15,439. Immisa ayay ahayd inuu ku guursado doobka reer Hargeysa ee Dakhligiisa sannad laha ahi yahay USD $348?

Submitxisaab2

Akhyaareey, wixii kale oo dhan idinkaan idiin dhaafay.

TIXRAAC:

“GDP per capita, PPP (current international $)”, World Development Indicators database, World Bank. Database updated on 1 July 2014. Accessed on 2 July 2014.
Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista (2014): Buugga Talo-bixita Guur Doonka, daabacadda 1aad.
“GDP per capita, PPP (current international $)”, World Development Indicators database, World Bank. Database updated on 1 July 2014. Accessed on 2 July 2014.
http://www.worldbank.org/en/news/press-release/2014/01/29/new-world-bank-gdp-and-poverty-estimates-for-somaliland
Email: mustafeh2@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here