Inta Yar Ee Marxuum Cabdi Haybe Cilmi (AHUN) Aan Ka Aqaanney!!!!. W/Q: Maxamed Cali Bile

0
172

10636279_10205075441874967_1236045797489566452_n Xilli an ku qiyaasayo iney aheyd 1989 kii ayaa anoo la hadlaya nin madax ka ahaa mashruuc Bangiga Adduunku maalgeliyey oo dhisi jirey iskuulada oo la odhan jirey Mohamoud Ali Jama (oo iminka ku nool dalka Holland) ayaa waxa na soo marey Abdi Heybe Elmi (AHUN). Ninkii Mohamoud ayaa ayaa kursigii ka soo boodey oo u dhameeyey wixii uu Abdi Heybe rabey.
Markuu Abdi Heybe baxay ayuu Mohamoud Ali Jama igu yidhi Abdi Heybe waa shakhsi aanan kor u eegi kareyn oo ixtiraam badan u hayo. Wuxu ii raaciyey u maleyn maayo iney jiro arin uu i weydiiyo oo an hadal ka soo celinayo. Mohamoud Ali Jama wuxu iiga sheekeeyey sheekadan “Aniga oo inan yar ah ayuu Abdi Heybe oo mareykan ka yimi macalin ii noqdey. Maalin maalmaha ka mida ayaa aniga oo ciyaaraya ayay ciid badani indhaha iga gashey. Indhihii ayaa xoog ii xanuuney, waxa la ii geeyey Abdi Heybe. Inta uu indha indhaha ii kala qabtey ayuu carrabkiisii isha iga mariyey oo uu ciidii indhaha igaga jirtey carabka igaga saarey” Wuxu yidhi waxa xusuuteyda ka bixi la’ macalinkaa anoo yar oo boodh iyo wasakh leh carrabkiisa indhaheysa ku sifeeyey.
1989 ayaan shaqo bilaabey shaqo mashruuc waxbarasho. Waxan ahaa nin yar oo shaqadaa ku cusub oo la shaqeynaya dad badan oo ajinabi ah. Shaqadeyda waxa markasta la hadal hayey Abdi Heybe oo ahaa khabiir (consultant) dhinaca tacliinta. Xiligaa dalka wey ku yaraayeen khubaro consultant u noqon karaa hey’adaha waaweyn oo heer koodu sareeyo. Waxa an akhriyi jirey warbixinada uu qoro Abdi Heybe (AHUN) oo an wax ka baran jirey gaar ahaa sida loo sameeyo daraasadda. Xiligaa an sheegayo marxuumku waxa uu ka soo ruqseystey shaqadii dawladda oo uu agaasime ka gaadhey.
Bilowgii iyo badhtamihii sagaashamaadkii, waxa an fursad u heley inaan Abdi Heybe (AHUN) wada shaqeyno oo an ka wada shaqeyno mashaariicdii dejinta manhajka dugsiyada dalka iyo tababarka macalimiinta. Waxa an la shaqeyn jirey labeentii xiligaa ee aqoonta u lahaa waxbarashada oo uu hoggaanka u ahaa Abdi Heybe oo ay ka mid ahaayeen Bashiir Faarax kaahiye, Yuusuf Gacmey (AHUN) iyo Yaassin Faratoon. Xiligaa Abdi Heybe wuxu ahaa aqoonta iyo odeyga hawsha looga danbeeyo ee maskaxda u ahaa.
Marxuumku wuxu ahaa qof khajilaad badan oon laheyn baahi shakhsi. Waxa kaluu ahaa qof aan doonan xil siyaasadeed iyo mansabtoona mid aqoon ahaan loogu garto mooyee. Wuxu ahaa qof aqoontiisa iyo shakhsiyadiisa mooyee ku ku meel maarin wax kale. Marxuumku wuxu ahaa shakhsi aaney u bilowneyn arimaha beelaha oo aan adeegsan qabyaaladda iyo wixii la halmaala. Taariikhda dhabta ah ee marxuumka waxa koobi kara Guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Nuur, oo ay in badan wada shaqeeyeen.
Ilaahey ha u naxariisto marxuumkaa, Inagana ha inooga Daba naxariisto.
Sawirkani waa qiyaastii 1995 kii, xili an Marxuumka isu raacney magaalada Nairobi oo an u tagney shaqo ku saabsan manhajka iskuulada Soomaaliland. Bidix laga bilaabo waa Hussein Abdulle Shuuke oo ahaa wasiir hore oo soomaalia ahaa, aniga, Marxuum Abdi Heybe iyo Abdilatif.
Rabi Ha U Naxariisto Marxuumka iyo Ummadda kale Ee Muslimiinta ahba
Wa-billaahi Towfiiq
Qalinkii: Maxamed Cali Bile

10636279_10205075441874967_1236045797489566452_n

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here