Boorama (Hubaal)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana Xubin ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Siilaanyo Cali Maxamed Waran-cadde markii Madaxweynuhu magacaabay ka tirsanaa Xisbiga WADDANI, isla markaana uu illaa hadda oo uu Wasiir yahay ka tirsan yahay WADDANI.
Cabdiraxmaan-Xoog, waxa uu sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ay isku xaafad yihiin, isla markaana Waran-cadde Abtigiis yahay, sidoo kalena ay Xisbiga WADDANI ka wada tirsanaayeen, welina ka wada-tirsan yihiin, sidaa awgeedna uu ugu baaqay inaanu Wasiirku indhaha bulshada ku soo jeedin Xukuumadda talada haysa iyo Xisbigeeda KULMIYE ee uu cagta u dhigo, isla markaana joojiyo bixinta amarrada qallafsan iyo cabbudhinta ee ummadda reer Somaliland lagu hayo.
Waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog, sheegay inuu si kulul u cambaaraynayo Amarka ka soo baxay Arbacadii Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee Fannaanadda Sahra-Halgan Xukuumaddu ugu diidday inay samayso Xuska 30-guurada Maalinta Shuhaadada SNM. “Cod dheer ayaannu ku cambaareyneynaa sida loogu weerarey Fannaanadda Sahra-Halgan Xarunteeda Erayada ugu culuculus ee wax lagu cambaareyn karo ayaannu ku cambaareyneynaa waa arrin gef ah.” Sidaa ayuu yidih Xildhibaan Xoog.
Waxaanu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Sahra-Halgan, waa dadkii dalka u soo halgamey ee u soo dhintey ee u soo Heesay ee u soo duur-galay, in falkaa lagula kaco may aheyn. Waxa intaa dheer Mujaahid Dhagaweyne oo gal is yidhi Huteelka Hiddo-dhawr Xabadbaa dhafoorka lagaga qabtey, taasina waa arrin kow ah oo innoo curad ah.”
Cabdiraxmaan-Xoog oo waraysi siiyey Weriye Cabdiraxmaan Nuux (Hiiraan) isaga oo ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Jimcihii, waxa uu Wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyey inuu bixiyey Amarka loogu diiday Sahra-Halgan Xuska Shuhaadada SNM ee 17-ka October ku beegnaa. Hase-yeeshee, waxa uu Weriye Hiiraan weydiiyey Xildhibaanka waxa uu ku caddaynayo in Amarkaa Wasiir Waran-cadde bixiyey iyo in kale iyo sidoo kale sida uu ku eedeeyey in amarrada noocan ah sababta uu u bixinayo Wasiir Waran-cadde yihiin kuwo Madaxtooyada lagu raalli-gelinayo iyo kuwo si kale u socda?
Waxaanu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Horta ninka Cali Waran-cadde la yidhaa waa nin aannu isku Xaafad kasoo wada jeedno in badanna aannu soo wada shaqeyneynay, waxaan u sheegayaa Inaadeerkay oo Abtigayna ah, horta Cali Waran-cadde Nin Xisbiga WADDANI ka mid ah buu ahaa, immikana wuu yahey Xisbiga WADDANI, waxaanannu leenahay Caliyoow WADDANI baad tahaye Dawladda KULMIYE dadka haku dirin.”
Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI intii aanu Xisbinnimada-ba u soo gudbin ee uu Urur-Siyaasadeedka ahaa ku biiray, ka dib markii uu ka burburay Xisbigii da’da waynaa ee UDUB oo loo aaneeyo inuu gacantiisa ku burburiyey Warna-cadde sannadkii 2012-kii, waxaanu ku jiray WADDANI illaa markii dambe ee uu Xisbiga u soo gudbay doorashadii Golayaasha deegaanka ee isla 2012-kii Somaliland ka qabsoontay, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo Wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay isagoo ka tirsan Xisbiga WADDANI kawda Bishii Ramadaan ee 2013-kii, welina ma sheegin Cali Waran-cadde meel uu kaga baxay WADDANI.
Dastuurka Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE qodobbo lagu kordhiyey 2012-kii, ayaa dhigaya in qof kasta oo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Xukuumaddiisa Xil Wasiirnimo ama Wasiir Ku-xigeen uga mgacaabo uu si toosa uga mid noqonayo Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE, isla markaana Wasiir kasta ama Wasiir Ku-xigeen kasta oo uu Madaxweynuhu xilka ka qaado sida uu xilka Wasiirnimo u waayey oo kale u waayayo xubinnada Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE.