HUBAAL TV: Waa Maxay Ujeeddada Laga Leeyahay Barxadda Cusbitaalka Guud Ee Oo Danyar Laga Kiciyey?, GUDAHA KA DAALACO Wasiirka Caafimaadka & Meeyarka Caasimadda Oo Ka Hadlay

0
23

Hargaysa (Hubaal)- Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa si wadajir uga hadlay ujeeddada laga leeyahay dhul bannaan oo barxad u ah Wasaaradda Caafimaadka iyo cusbitaalka guud ee dawladda oo laga raray dad danyar ku ganacsanayey, lana dhigay dhagxaanta guryaha lagu dhiso.

Muran ka dhashay wax-ka-beddelka barxaddaasi ayaa dhexmaray dadweynaha danyarta ah ee laga kiciyey goobtaasi iyo shaqaale ka socday dawladda hoose ee Hargeysa oo ka shaqaynayey hawsha halkaasi laga waday subaxnimadii hore ee shalay, kadib markii ay soo baxday warar sheegayey in dhisme huteel ah laga binaynayo, balse waxa arrintaasi beeniyey Wasiir Xaglo-toosiye iyo Maayar Soltelco oo madashaasi kula hadlay warbaahinta.

DSC02589Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in goobtaasi dawladda hoose ee Hargeysa ka dhigayso beer indhaha u roon, waxaannu yidhi, “Dhulkan wajahadda Wasaaradda Caafimaadka oo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, iyadoo Dawladda Hoose masuul ka tahay, Maayarka ayaa naga codsaday in meeshan oo ah wajahad weyn, meel muhiim ahna ku taal in Dawladda Hoose qurxinteeda maalgaliso, annaguna waanu u ogolaanay. Maaha meel dhismeyaal laga samaynayo sida dadka qaar borobagaandada ka dhigayaan, maaha meel dawladda hoose qaadanayso, barnaamij baa ka dambeeya iyo Dawladda Hoose ayaa qaadanaysa waxba kama jiraan, meeshan ayey eegan kariwaayeen fool-xumideeda, taasaana keliftay inay beer ka dhigaan qurux badan oo indhaha soo jiidata.”

Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu meesha ka saaray in goobtaasi laga dhigayo huteel, “Hotel laga dhisayo iyo guri laga dhisayo iyo hawl kale oo laga qabanayo midna ma jirto, wasaarad ahaana ma ogolaanayno. Way jiraan dad danyar ah oo ku ganacsada, balse dhulkan waxa iska leh wasaaradda Caafimaadka,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Xaglo-toosiye.

Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa isna ku tilmaamay bilaa damiir dadka sheegaya in barxadda laga dhigayo huteel, waxaannu yidhi, “Qofka odhanaya halkan ayaa huteel laga dhisayaa isagaa damiir laawe ah, waa cusbitaalkii guud, waa wasaaraddii Caafimaadka, haddii aannu nidhi meel cagaaran ha looga dhigo qofka yidhi huteel baa laga dhigyaa isagaa taas ka jawaabaya.”

Maayar Soltelco oo la waydiiyey in ay goobo kale u diyaariyeen dadka danyarta ah ee ku ganacsanayey barxadda laga kiciyey, waxa uu ku jawaabay, “Ummaddu waa wada dan yar, qofku haddaanu eegin meeshuu degayo oo aynu nidhaahno cusbitaalka halagu ganacsato bal ka warran? Qofku waa inuu degaa meel uu leeyahay ama meel uu kiraystay, suuqyo aannu u samaynay ayaa jira, laakiin haddii a yidhaa meel walba ha la dego, halkani waa cusbitaalkii guud oo ay jiifaan dad xannuunsanayaa, haddii la yidhaa maalin walba wax ha lagu dulsameeyo ama sandaqad ha laga duldhiso adiga miyey kula fiican tahay?”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here