Hargeysa, (Hubaal) – Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadmi ayaa ka hadlay shirka ay qaban qaabadiisu ka socoto deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag.
Wasiirka gaashaandhiga Somaliland oo shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay inaanu shirkaasi wax xidhiidh ah la lahayn kii lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo ee lagu qabtay deegaanka Saaxdheer, waxaanu tilmaamay inuu shirkani yahay mid dhaqameed.
Ugu horayn wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlaya shirka qaban qaabadiisu ka socoto deegaanka Xingalool ayaa waxa uu yidhi “Xingalool shir ayaa laga abaabulayaa, walina ma furmin, waxaana la odhanayaa shir marka ajandihiisa la ogaado oo uu soo baxo lana furo albaabada oo la yidhaa ergadii way soo dhamaatay, taas ayeynu u naqaana shir, hada waxa lagu jiraa abaabulka shirka mudo badana wuu socday, shirkuna maaha shir siyaasadeed ee waa shir beeleed, waana shir ay qabsanayaan beesha degta bariga Sanaag, dibadana aniga ayaa bari dhawayd ka imid oo dad diyaaradaha la socda iyo wax diyaar u ah oo shandaduhu u xidh xidhan yihiin oo diyaar ah maann arag.” Ayuu yidhi wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanu shirkani wax xidhiidh ah la lahayn shirkii lagaga dhawaaqay Khaatumo, waxaanu tilmaamay inaan dadka qabsanayaa aanay diyaar u ahayn inay samaystaan maamul u gaar ah waxaanu yidhi “Wakhti dhaw ayuu soo dhamaystirmayaa shirkaasi wakhti dhaw ayaanu shirku bilaabmayaa oo la soo saarayaa shirka si ay meesha uga baxdo wararka ku tidhi ku teenka ah, Anigu intaan ogahay wax cabsi ah oo aanu shirkaas ka qabnaa ma jirto, halka lagu dhereriyey ee fog ee Khaatumo waxaan odhan lahaa dadka ha maqashiinina magacyadaas maba yaqaanaane, shirkaasi waa shir dhaqameed wixii beeshaas horumar ah ee ay tabanayaan ayey ka shaqaynayaan, wixii ka soo baxaana waa wax danahooda gaarka ah. laakiin wax la xidhiidha maamul madax banaan oo ay samaysanayaan oo u gaar ah ma ogi, waxaanan is leeyahay cid iiga war roon warkaasi ma jiro.”
Ugu danbayntiina wasiirka gaashaandhiga Somaliland waxa uu sheegay inuu shirkaasi yahay mid dhaqameed aan wax siyaasad ah la xidhiidhin waxaanu yidhi “Waxaan ku celinayaa inaanu shirkaasi wax xidhiidh la lahayn ajandihii Khaatumo, waana beel gooniya oo taladeeda iyo tabaabushaheedauba u gaar yahay cid cid kale ku xidhanina ma jirto, ajande cidi u gudbinayso oo ay qaadanayaana ma jirto, hadal hayn la hayo Khaatumo iyo wixii ka soo baxay iyo wax u eeg toonina ma jiraan kamana soo baxay, markaa waxaanu leenahay yeynaan ku cel celin shirkan iyo wixii laga soo baxayo.” Ayuu yidhi Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland.