Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo wareysi gaar ah siiyay HCTV ayaa waxa uu eedeyn u soo jeediyay golaha guurtida Somaliland oo uu ku tilmaamay in ka gaabiyeen xal u helida marxalada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Awdal waxaana isaga oo ka hadlaya uu yidhi “golahii guurtida ee Saleebaan uu ka ahaa guddoomiyaha ee markay wax dhacaan uu u saari jiray guddi,ee u tagi jiray,ee laga hadli jiray,ilaa imika lama arag golaha guurtida Somaliland oo marxalada Awdal ka taagan iyo suldaankaa ama wax wadahadal ah oo uu u furay ama ka sheekeynaya,taasina runtii arrin aad iyo aad loola yaabo” ayuu yidhi
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN HUBAAL TV: Ku-Xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Eedo Hor Leh U Jeediyay...