Hargeysa (Hubaal) Waxa si wada jir ah loo soo afmeeray khilaafkii soo kala dhexgalay dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO,kaas oo muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay,isla markaana sababay inay laba garab u kala fadhiistaan dhalinyaradii ku midaysnayd dalladdaas,kulankan lagu soo afmeerayay khilaafka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ay ku leedahay magaaladda Hargeysa oo uu goob joog ka ahaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane cali Siciid Reygal,xubno ka socday guddidii iskood isku xilqaantay ee ka hawlgashay khilaafka soo kala dhexgalay dhalinyarada Sonyo iyo sidoo kale qaar ka mid ah labadii garab ee isku khilaafsanaa hoggaanka dalladdaas
Hadab halkan ka daawo muuqaalka kulankan lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeexay dalladda Sonyo