HUBAAL TV: Ka DAAWO Dawladda Soomaliya OO Hanjabaad Kaga Jawaabtay Qorshaha Wareejinta Dekedda Berbera Ee Xukuumadda Somaliland Bustaha Saartay
Muqdisho (Hubaal)- Wasiirka Dekadaba Somaliya Nuur Faarax Xirsi ayaa ka hadlay Qorshaha dekeda Berbera isaga oo Hanjabaadna u soo Jeediyey Xukuumada Somaliland Xilli uu Isagu Dhex Fadhiyo Xafiis Madhan Oo Aan Xitaa Qalin Dhex oolin.
Dhawaan ayaa Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, sheegay in Xukumaddu ka baaraan degayso wareejinta Dekedda Berbera, isagoo meesha ka saaray in si sahlan oo la wareejiyo dekedda. Waxaanu Wasiirku ku dooday in Xukumaddu Bulshada u soo bandhigayso qorshaha Marsada lagu wareejinayo.
Wasiirka oo dalka ku soo laabtay Maalintii Shalay ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan la dhayalsan doonin “Horta wararkaas la isla dhaafayo wax ka jiraa ma jiraan. Deked la iibinayaana ma jirto. Berbera sidii hore loo yidhi wax go lagu qaado ka wayn, Masuuliyad baa ka saaran Dawladda Somaliland in dekeddaas la balaadhiyo, in maalgashi la galiyo” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu ku dooday inaan si sahlan loo wareejin doonin Dekedda “Waxaa naga go’an inaanu aad uga fiirsanno oo dadka u soo bandhigno, markaa dekeddaasi waa deked aad iyo aad muhiim ugu ah Umadda Somaliland qof laga iibinayaana ma jiro, waxaanu ku talo jiraa inaanu Maalgalin fiican u raadino oo dadka u soo bandhigno, Khubaro la tashano markaas wax la iibinayaa ma jiro ee waa iska dacaayado raqiis ah”ayuu yidhi wasiirku.
Haddaba, marka laga yimaado dooddan qayaxan ee Wasiirka Khaarajigu warbaahinta ka sheegay, waxa jira qorsheyaal hoose oo qaarkood ficil loo bedelay kuna wajahan Dekedda Berbera.
Qorsheyaashaas ayaa kiciyey darreen bulsahda oo dhan ka dhex guuxaya oo looga soo horjeedo dhaxal-wareejinta Dekedda, waxaanu dabcan lamid yahay Kacdoonkaasi kii lagaga soo horjeestay Shirkadda Bolaria markii ay Xukuumadda kala hadashay Maal-gelinta Dekedda, iyadoo sida la tuhunsan yahay, uu hogaaminayey ama uu gacan siinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee iminka ku biiray dhaqdhaqaaq-yada lagu daadifeynayo Heshiiska garabka kale ee xukuumaddu kula galleen Shirkadda DP maal-gelinta Dekedda Berbera.
Olollaha Shirkadda DP loogu wareejinayo waxa hormuud ka ah Wasiirro ay xubno ka yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Howlaha-guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Wiilka Madaxweynaha Xidiidka la ah ee Baashe Cumar “Moorgan” oo isagu si dadban u hogaaminaya qorshahan. Sida Wargeyska Yool ka helay Shirar ay todobaadkii la soo dhaafay kula qaateen Caasimada Imaaraadka Carabta, ayaa tibaaxay in isfahamka Shirkadda iyo Wakiillada Somaliland ka gaadheen arrintaasi meel aad u wanaagsan dhankooda marayo, sidaas darteed marka lays bar-bar dhigo qorshaha Badheedhaha ku socda ee ay hormuudka ka yihiin xubnaha Madaxtooyada ka Sara-daariga ah iyo Mowqifka Wasiirka Khaarajiga, waxa lays-wadiinayaa keebaa labadooda dhinac Runta ku addimi doona ama tiisu dhab noqon doontaa.
Haddaba halkan hoose ka daawo Hanjabaada dawladda Soomaaliya ka soo saartay Mashruucan