Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii ugu muddada dheeraa ee soo maray Somaliland Axmed Jaambiir Suldaan oo ah wasiirkii daakhiliga dowladdihii AHU Cabdiraxmaan Tuur iyo Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa ka waramay miisaaniyaddii berigaas ay ku hawl gali jirtay iyo tan immika miisaaniyadda ay ku hawl gasho eek u baxa dhanka ammaanka iyo waxyaabo aanay haysan Somaliland berigaas iyo haddana sidii ay nabadgelyada dalka ku soo gaadhsiiyeen halka maanta la taagan yahay iyo waxyaabaha ay xukuumadda immika joogtaa ay haysato.
Axmed Jaambiir Suldaan oo u waramay telefiishanka HCTV waxa kale oo uu ka hadlay mar la waydiiyay sidii ay uga hawlgaleen markii magaaladda Hargeysa badhtankeeda laga afduubay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadda ah wasiirka maaliyadda xukuumadda Siilaanyo