Hargeysa: (Hubaal)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Muse Qasim oo maanta hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka Hadlay hoos u dhaca Qiimaha shidaalka ee Dunida iyo sida aanu wax saamayn ah ugu yeelan Gudaha somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ku Hawllan yihiin sidii qiimaha shidaalka dalka hoos loogu dhigi lahaa, arrintaasna ay dhawaan hirgelin doonaan,
“Waa run in Shidaalka dunidu hoos u dhacay, Innaga Shidaalkeenna, Baadroolka waxaa la siin jiray markii uu ugu qaali sanaa foostada 175 Dollar, imikana waxa la siiyaa oo Berbera laga siiyaa 150 Dollar,markaas aniguba waan arkayaa inaan Isbedel weyni aanu halkan ka dhicin, laakiin waanu wadnaa sidii wax looga qaban lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Qaasim.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, isla-markaana qiil u raadinaya qiimaha gudaha somaliland shidaalku ka marayo, ayaa yidhi,
“Sida aan golahaba ugu sheegay horena umaanaan heli jirin Rasiidhada ama Invoice-yada ay wax ku soo Iibsadaan Qoladan Ganacsatada ah, haddana noomay keenin,iyaguna waxay sheegayaan inaanay waxba ka jabin, dee annaguna ma garan karayno Suuqan ay wax ka soo iibsadaan meel uu yahay”
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Wax isbedel ah oo Muuqda may sheegin Shirkaddaha Shidaalka keena laakiin,annigu mar walba waxaan u diyaar ahay Shidaalku cidna uma xidhna, cid ganacsiga Shidaalku gaar ugu xidhan yahay ma jirto,annigu waxaan aaminsanahay cidii muwaadin ah ee Shidaal jaban keenaysa inay u furan tahay oo ay keeni karaan, looguna shubayo Haamaha Shidaalka, Muwaadiniinta wixii u jaban uun baa la qaadanayaa cidna loo xidhnaan maayo”
Somaliland ayaa ah buqcad caan ku ah inaan waxkasta oo qiimahoodu kor u kacaa aanay waligood hoos u soo dhicin, waxana arrintaas inta badan wax laga saaraa wasaaradda Ganacsiga oo aan isku hawllin sidii ay u kaantarooli lahayd dhaqdhaqaaqyada ganacsatada danyarta dhiigmiiranaysa.
himilomedia