HUBAAL TV: Halkan Ka Daawo Weftiga Urur-gobolleedka Dalalka Afrikada Bari Ku Bahoobay Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland+ Nuxurka Ajendihii Laga Wada Hadlay Oo Warbaahinta Loo Soo Bandhigay

0
27

Hargeysa(Hubaal) Safiirka Somalia iyo Somaliland u Qaabilsan Urur Goboleedkak IGAD Maxamed Cabdi Afey, ayaa kulan Albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxay labada Masuul u sheegeen warbaahinta inay kaga wada hadleen sidii IGAD Somaliland wax ula qaban lahayd.

hkhkGudoomiyaha Guurtidu waxa uu warbaahinta u sheegay in Safiirku kala hadlay in IGAD Diyaar u tahay inay Somaliland wax kala qabato waxyaabaha ay u baahan tahay. Waxanu yidhi. “ Safiirku wax aan idin la qabano ayuu la yimid, dee Anaguna waanu ka aqbalay, waanuna ku mahadinaynaa. Intaas ayaanu isla wadnay, idina nagu raacde ayay ila tahay” ayuu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan. Gudoomiyaha Guurtida oo Warbaahintu wax ka waydiisay Arimaha kale ee ay isla soo qaadeen ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, isago yidhi “ Kolayba diyaar uma nihin inaanu hadda idinla qaybsano”.

Safiirka IGAD ee Somaliland iyo Somallia Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay inay Gudoomiyaha ugu hambalyeeyeen doorka Guurtidu ku leedahay Dimuqraadiyada Somaliland “ Gudoomiyaha waanu ugu hambalyaynay Doorka Guurtidu ku leedahay Dimuqraadiyada iyo Nabad gelyada wadanka Somaliland, Waxaanu ku boorinay inay sidaasi iyo si ka sii fiican u wataan Hawshooda. Waxaanu u sheegnay in Urur ahaan aanu diyaar u nahay in Shacabka Somaliland aanu la shaqayno iyo inaanu kala shaqayno Abaabulka iyo u diyaar garawgga Doorashada soo socotaa, sidii ay ugu dhici lahayd sidii loogu tala galay.” Ayuu yidhi Ambasador Maxamed Afey.


A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here