HUBAAL TV: Daawo Siyaasi Dhalinyar Ah Oo Xayirnaanta Hubaal Iyo Haatuf Ku Tilmaamay Qodob Dastuuriya Oo Ay Xukuumaddu Ka Talaabsatay + Mashruuca Biyaha Xumbo-weyne Oo Uu Ku Sheegay Mid Siyaasadeysan Oo Xukuumaddu Dabada Ka Wado

0
34

Hargeysa (Hubaal) Maxamed C/kariin oo kamid ah dhalinyarada magaaladda Hargeysa ahna siyaasi dhalinyar ah oo madax bannaan ayaa waxa uu ka hadlay wargeysyada Hubaal iyo Haatuf ee xukuumadda u xayiran isaga oo sheegay in xukuumadda Siilaanyo ay xadgudub toos ah ku samaysay xoriyadda saxaafadda guud ahaanba.

Siyaasigan dhalinyarada ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka qeyb galay kulan afur ah oo ay da’yarta ku bahawday ururka Jiidali ugu sameeysay hogaanka labada wargeys ee hubaal iyo haatuf hotel Emperial ee magaaladda Hargeysa.

Siyaasi Maxamed Cabdikariin waxa uu sidoo kale ka hadlay mashruuca biyaha lagu siinayo qaar kamid ah degmooyinka Hargeysa kaas oo degaanka Xumbo-weyne laga hirgalaliyay, isla markaana aqoonyahankan ayaa ku sheegay in xukuumaddu ay siyaasadaysay mashruucan oo sida uu sheegay ay xukuumaddu rabto inay khilaaf ka dhex abuurto degmooyinka Hargeysa, waxa aanu xusay in biyaha laga soo saarayo degmadda Xumbo-weyne ay yihiin kuwo ah in lagaga saaro biyo la’aanta xaafadaha magaaladda Hargeysa qaar isla markaana ay tahay in sida loo kala qabo baahida biyaha lagu sameeyo.

Siyaasi maxamed cabdikariin ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay siyaasadeenayso mashruucan oo ay dano kale ka wadato isla markaana ay tahay in lawada fahmo oo dadka walaalaha ah ee kuwada dhaqan magaaladda Hargeysa aanay noqon kuwo laysaga hor keeno arrintan oo kale.

Gabogabadii waxa uu Maxamed Cabdikariin ugu baaqay bulshada reer Hargeysa inay ka feejignaadaan waxyaabaha siyaasadaysan ee ay xukuumaddu ku dhex wado mashruuca biyaha Xumboweyne

IMG_0386

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here