HUBAAL TV: DAAWO Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyey In KULMIYE Ku Cibro-qaato Is-qabsigii UCID iyo Khilaafkii UDUB Bur-buriyey

0
70

“KULMIYE  Awood Baa La Isku Qaban Karaa Oo Annaguba [UCID] Maxkamadahaanu Isla Galnay, UDUB-na Wuu Ku Burburay, Taasina Ceeb Ma Ah…Laakiin Waxa Ceeb Ah  In….”-Faysal Cali WAraabe

Hargeysa  (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe  ayaa Markii ugu Horraysay Ka Hadlay khilaafka Xisbiga Kulmiye la Tiicayo Maalmahan Dambe.  Guddoomiye Faysal oo Maanta Dalka Dib Ugu soo Laabtay ayaa isagoo Saxaafadda Kula Hadlayey Garoonka Cigaal International Airport, ayaa Sheegay inaanu Kulmiye Waxba ku qaadanin fursado khilaaf oo cashar ugu filnaa, kuwaas oo  hore ugu dhacay Xisbiyada Ucid iyo Udub-kii baaba’ay.

“arrinta xisbiga kulmiyye ee talada hayaana kulmiye waxa uu soo maray waayo aragnimo  badan waxann soo maray is qabsigii Ucid iyo kii Udib inuu wax ka faa’iidaystay ahayd waana uu is qaban karaa xisbigu oo awood baa la isku qaban karaa oo anaguba maxkamadahaanu isla galnay udubna wuu ku burburay, taasina ceeb ma ah,” ayuu yidhi eng. Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Guddoomiye Faysal Wax laga xishoodo ku Tilmaamo in Khilaafka Xisbiga ay Dad ku dhiirradaan inay Hab Qabiil uga Hadlaan amaba ula kala saftaan Labada Garab ee is Haya, waxana uu ku Baaqay in Arrinta qabyaaladda oo Halis inagu  ah Meesha laga saaro, waxana uu yidhi,

“laakiin waxa ceeb ah dadkan ku Hadlaya qabaa’ilka ee Habka qabiil u haydalaya. In af qabiil lagu hadlo oo ay ku murmaan muranka asxaabta waxay keenaysaa foolxumo weyn, waxana aan kula talin lahaa in dadka laga daayo qabiilka, siyaasaduna waxay leedahay  asxaab oo baarlamaan iyo wasiiro ayey leedahay, laakiin adduunka ku arki maysid in halkaa intah soo fadhiistaan oo yidhaahdaan annagoo reer Hebel ah, reer Hebel iyo Qaranimana isma qabtaan inaynu noqono qabaa’il xeerarkii Qabiilka ku kala socda iyo inaynu distoor iyo shari baynu leenahaye ku noolaano.”

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Faysal ka hadlay Ciidanka Habeenkii dadka Guryahooda ugu DHacaya oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah Astaamihii ay lahayd Dawladdii militariga Siyaad Barre ee Dagaalka laala galay, waxana uu  yidhi,

“Waxa iyaduna aad u foolxun ciidamadan Dadka habeenkii u dhacaya waa wixii aynu ka dagaallanay ee aynu ku caayi jirney Faqashta, dawladdana sharaf darray u keenaysaa, iyada iyo qolada kale ee Shaanida qarxinaysaa labada qolaba sumcadda iyo qaranimada ayey labaduba ceeb ku yihiin.”

Guddoomiye Faysal ayaa talo ahaan ku soo jeediyey in Shirkii Talo Qaran ee baaqday la soo Celiyo si meesha looga Saaro Is qabqabsiga iyo khilaafka soo noqnqoday,

“waxanu ku talinaynaa horena waanu ugu talinee in shirkii wada tashiga degdeg la iskugu  yimaaddo” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Xigasho: Himilo Media

DSC00849-tile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here