Guriga DHAQAALE HUBAAL TV: DAAWO Dood Isu Beddeshay Gacan Ka Hadal Oo Ay Isku...
Doodda Oo Ku Jihaysnayd Labada Diiwaangelinnood Oo Jewigeedu Is Beddelay DAAWO
Hargeysa (Hubaal)- Xubno ka Tirsan Xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa isku haleelay dood adag oo ku wajahan Muranka ka dhashay Diiwaangelinta Muwaadinka oo labada Xisbi Mucaarid ay qaadaceen kadib markii la isku xidhay Diiwaangelinta Muwaadinka iyo ka Codbixiyeyaasha kaas oo ay ku doodeen inuu dabar ku yahay Sidii ay Doorashadu Xiligeedii ugu qabsoomi lahayd isla markaana uu Khilaafsan yahay Heshiis ay wada jir u gaadheen Xisbiyada Mucaaridka,Xisbiga Talada dalka haya,Komiishanka Doorashooyinka, Xukuumada iyo Qaadhaan bixiyeyaasha. Doodan oo uu soo qaban qaabiyay Telefishanka HCTV ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Mujaahid Cali Guray oo Xisbiga Ucid ka socday,C.rashiid Riyo Raac oo ka socday Xisbiga Waddani iyo Xildhibaan Bukhaari oo Xukuumada iyo Xisbigeeda ku matalayay doodaas.