HUBAAL TV: CALI-GUREY Oo Sheegay In Wasiir Cukuse Caayay  Garashada Dadkiisa +Wada-hadallada Turkigana Ku Sifeeyey Dibi Madhalays Ah BOHON-ka Loo Yaqaan

0
34

 

 

” Waxaan Leeyahay  Haddii Mucaaridku Awood U Leeyahay Inuu Xuduudaha  Xidhi Karo Furina Karo Dee [Xukuumaddaay] Iskaga Taga Meesha Aanu Furnee”.

” lama caayo garashada dadkaaga, ee Wasiirka Warfaafinta waxaan leeyahay  Baarlamaanka  Waxa Muddadii Ugu Dheerayd Oo Ah 5 Sanno U  kordhiyey Madaxweynaha”

“Waxaanay Ahayd Xilli Ay Shirguddoonka Wakiillada Iyo Madaxtooyada Boggooda Burcad Laysku Mariyey Oo Ay Is Jeclaayeen, Kolkey Immika Kala Dano Noqdeen Inay Isku Eedeeyaan Waxay Hoos  Isula Ogolaadeen Maaha”  Cali Gurey.

 Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guey) ayaa ka hadlay laba qoddob oo waqti xaadirkan warbaahinta ku soo noqnoqonaya.

Cali Gurey oo Warbaahinta Qaarkeed maanta ugu warramay Hargeysa waxa uu sheegay in  xuduudaha xidhan ee Somaliland ay og yihin sababta keentay iyo halka ay ka xidhan yihin sidaasi darteedna ay xukuumaddu ka meeraysanayso inay ka run sheegto.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Muddo kor dhintii Wasiirka Warfaafintu ku eedeeyey Baarlamaanka, isaga oo taas Cali Gurey kaga jawaabay Cidda ay dastuuriyan tahay inay u kordhiyaan Mudanayaasha Barlamaanku inay tahay Madaxweyne Siilaanyo.”Waxaan Jecelahay Laba Qoddob oo yaryar inaan ka hadlo oo muhiimna ah, maalmahan dembena aad warbaahinta ku soo qorayseen, kuwaas oo qolo xukuumadda ka mid ah kasoo yeedhay, mida waa xuduuddahan innagu xidhmay ee jaarka oo ay xukuumaddu dhawr goor ka hadashay, sababahana warkii ugu dembeeyey ee ka soo baxay wasiirka arrimaha guduhu wuxuu ahaa xuduudahan xidhitaankooda waxaa ka dembeeyey mucaaridka”. Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey).

Waxaanu Intaa ku daray “waxaan idiin sheegayaa, xukuumaddu way ogtahay sababaha xuduudaha loo xidhay, annaguna waanu ognahay, hadday sheegi waayeen annaguna sheegi mayno, laakiin waxaan leeyahay wasiirka daakhiligu haddii Mucaaridku awood u leeyahay inuu xuduudaha Jabuuti iyo Itoobiya xidhi karo furina karo dee iskaga taga meesha aanu furnee. wasiirka arrimaha dibbedu wuu ka hadlay isaguna mar uu ka imanayay itoobiya, waanu sheegay inay dalkaas ka wada hadleen sababaha loo xidhay xuduudka”.

Mujaahid Cali Gurey“Qoddobka labaad ee aan ka hadlayaa waxa weeye lama caayo garashada dadkaaga, wasiirka warfaafintu waxa uu baarlamaanka ku eedeeyey gaar ahaanna guddoomiyaha inuu shan sannadood kordhistay, waana aynu naqaanaa marka Madaxweynaha Muddo kordhin loo samaynayo qoddobka 82aad ee dastuurka ayaa ay ku qoran yihiin sababaha keena, waxaana kordhiya Guurtida, laakiin Baarlamaanka Muddadiisa waxa kordhiya Madaxweynaha, Shantan sannadoodna waxaa kordhiyey Madaxweynaha oo ah Muddadii ugu dheerayd ee la sameeyo muddo kordhin, waxaanay ahayd xilli ay shirguddoonka wakiillada iyo Madaxtooyada Boggooda Burcad laysku mariyey oo ay is jeclaayeen oo ay shuruucda siday doonaan u wada dhigan jireen ooay isku marnaayeen, kolkey immika kala dano noqdeen inay isku eedeeyaan waxay hoos iyagu isula ogolaadeen maaha, markaana annagu waanu diidanayn oo waanu ka soo hor jeednay” ayuu yidhi Cali Gurey.

Dhinaca kale Muj. Cali Gurey waxa uu Madhalays ku tilmaamay Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uga socda wadanka Turkiga kuwaas oo uu ku tilmaamay sifo Lagu tilmaamsado Xoolaha Madhalayska ah gaar ahaana Lo’da Lab (Dibiga) ee oogada ka naaxsan balse aanay waxba uga dembeyn xagga tafiirta, Dibigaas oo loo yaqaanno BOHON, waxana uu yidhi “wada hadallada Turkigu waa kuwo Madhalays ah oo Bohon ah oo gudhan oo Galoof ah oo wax alla wax kasoo baxayaa aanay jirin, i jiid aan ku jiidana waa gacmo daalis haddii aanad wada hadallada ka lahayn wax dan ah ee aad keliya doonayso inaad dalxiisto, sidaas darteed waxaanu leenahay wada hadalladaas waxaa ka fiican inaynu iskaga baxno haddaynu Somaliland nahay, kana bixi maayaan oo waxaad arkaysaa Somaliya ma soo hadal qaado arrinkaas ee qolada ay kaga dheggen tahay waa innaga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here