Markii haddii maanta iyadoo aanu arkayno waxyaabo loo balanqaaday.. oo xadgudubyo xaga saxaafadda iyo qaar kaleba ay dhaceen oo waliba markii hore ee mucaaridka ay ahaayeen diidanaayeen…” baashe cabdi gaboobe
Baashe cabdi gaboobe oo ahaa madaxii ololaynta gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye oo u waramayay wariyaha HCTV Aadan cabdi Ciidle ayaa ka hadlay sida uu u arko xaalada dalka wakhti xaadirkan gaar ahaan wada hadalka dowladda Somaliland ay kula jirto Somalia oo uu soo dhaweeyay in la wadahadlo,balse waxa uu sheegay in loo baahanyahay barnaamij cad oo laga wadahadlo iyo jadwal mudaysan oo wadahadaladu ay yeeshaan,waxaana uu ka soo hor jeestay Baashe Cabdi Gaboobe in wadahadaladu ay noqdaan qaar iska dabafuran ah oo shirar uun ay labada dhinac isugu yimaadaan xiligay doonaan oo ay umadu fahmi waydo dhan alla dhanka ay wax u socdaan.
Halkan ka daawo Su’aashan iyo kuwo kale oo xiiso badan oo uu wariye Ciidle ka wareystay Baashe Cabdi gaboobe