HUBAAL: Khaladaadka Ka Muuqda Xusaska 18-ka May Wax Ma Ka Baranaa?

0
57

Sanad kasta Xus loogu dabaal-degayo sanad-guuradda la soo noqoshadda madaxbanaanida Somaliland ayaa la qabtaa..dadku dareenkoodda waddaniga ah si weyn ayay u muujiyaan, Islamarkaana waxaa ay si xooggan u qurxiyaan maalintan.
Laakiin, waxaad mooddaa in Caqabaddo soo noqnoqday ay jiraan oo aan Xukuumaddani ku baraarugin. Caqabadaas oo dhibaato weyn ku haya habsami u socodsiinta munaasibadan.
Horta aan is weydiinee, Xusasku ma leeyihiin guddi korjoogteynsa oo ururisa xogaha geedi-socodka diyaargarowa iyo qabsoomidda hawshan. si loo ogaado in loo fulinayo sidii loo qorsheeyey iyo si waafaqsan xeerka iyo xeer-hoosaadyada dalka guud ahaan. Misse waa guddi qaban-qaabo uun oo mirqaanka dhexroorta. Mise jirtaa guddi qiimaysa kama danbeysta hawshaas qabsoontay. Si kale aan u dhigo oo soo xigto cullimaddu waxaa ay arrintan qiimaynta ka yidhaahdaan. “Qiimeyntu waxa ay jawaab u raadin kartaa su’aalaha ay ka mid yihiin:

Xuska mayda maxaa
• Xusku ma qabtey wixii ay ahayd in uu qabto ama ay ahayd inuu soo kordhiyo?
• Si wanaagsan ma loo qabtey, mise waxaa jirey hab kale oo si ka wanaagsan iyo/ama ka qiimo jaban oo lagu qaban karayay?
• Miisaaniyaddii loo qorsheeyey ma la wada isticmaaley gebi ahaanteedba, mise dheeraad ayaa lagu darsaday, waqtigii loo baahnaa ma lagu bixiyey, lacagta la isticmaaleyse ma lagu heley wax u dhigma?”
Tusaale ahaan, Wufuudda dhaqaalaha faraha badan lagu bixiyay ee dunidda dacaladeeda loo kalla diray ma muujiyeen dedaal dublamaasiyadeed oo ay Somaliland magac ahaan iyo manfac ahaanba ay wax ugu soo kordhiyeen haltaageerena ha noqdee.
Warbaahinta caalamku ma lagu soo martiqaaday?
Kuwa gudduhu sidee ayay u tabiyeen xogtii mase la siiyay fursad ay ku tabin karaan?
Su’aalahan badankoodda waxaa ka jawaabtay warbaahinta dawladda oo qirtay in guddi madaxweynuhu u saaray ku fashilantay arrimahaas oo dhan inay sidii ay ahayd uga soo dhalaasho. Waa run warbaahinta caalamku wax badan kama qorin dhacdadan qiimaha Somaliland ugu fadhida. Sidoo kale, munaasibaddaha dibadaha dalka lagu qabtay iyo tan gudahaba kama ay muuqan madax xoogan oo dalalka dunida ka socotay. Warbaahintii gudaha ayaa sidoo kale Xukuumaddu u diiday munaasibaddii Xuska marka laga reebo dhowr TV.
Waxaa kale oo jirta cidhiidhi badan oo ka jiray goobta munaasibadda ugu muhiimsan lagu qabtay oo ahayd Jidka kooban ee Madaxtooyadda hormara oo dadweynihii iyo madaxweynihii ay doorteen kala qariyay. Sidoo kale, waxaa jiray Ciladdo farsamo oo qalabka baahinta codadka ka muuqanayay.
Waxaa kale oo aad loo dareemayay tartan aan dhinaca wanaagsan u socon oo ka dhexeeyay in badan oo ka tirsan masuulliyiinta Xukuumadda oo loo baahnaa inay ku tartamaan wanaaga oo dhan wax u wadda wadaan, halka ay is muujinta kaga loolamayaan.
Dhinaca kale, waxaa muuqatay dhalinyaro badan oo si ka baxsan anshaxa ama ka badbadiyay dabaal-degii oo saddexdii habeen ee ugu danbeeyayba baabuur xoog u socota daaqadaha ka lushay, kuwaas oo halis ku hayay amaanka dadweynaha kale iyo nafahoodaba. Islamarkaana ay ahayd in ciidamada amaanku ugu yaraan hakiyaan oo ku ilaaliyaan nidaamka iyo sharciga.
Qodobadan kooban iyo inta badan ee kale, ee muuqatay waxaa ay u baahan-yihiin in laga korro ugu yaraan oo wax laga barto. Balse aanu soo noqon Makarafoonkii toban sano ka hor iyaddoo xuskii badhtanka lagaga jiro xumaaday maalin kasta iska daa wax kale oo wax laga qabto’e.
Kama danbeystii Madaxwtooyaddu waa inay arrimahan oo dhan si hufan ugu raadiso jawaabo lagu qanci karro oo waxtar u leh Somaliland koriinkeedda. Balse aan waxyeelo u keenin iyo dhiig bax soo noqnoqda.

XIGASHO: Wargeyska SAXAFI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here