HUBAAL KA AKHRISO: Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar Oo Ka Jawaabay Weerarkii Beelaysnaa Ee Uu Boqor Buur-madow Shacbiga AWDAL U Dhex-mariyey Xukuumadda

0
38

“…..[Buur-madow] Marka Uu Leeyahay Madaxweynaha Isku Beel Ayaanu Kasoo Jeednaayoo, Kursigaanu Ku Wada Fadhinaa, Waxaan leeyahay hadal umadda qabta maaha Kursigana laguma wada-fadhiyee, nin shacabku u doortay Baa Ku Fadhiya…”… “Anigu Ma Garanayo Goorta Uu Boqorku (Buurmadow)Afhayeenka Xukuumadda Noqday”

Hargeysa (Hubaal)- Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu hore ugu duray Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) Salaadiintii tabashada la xidhiidha dhinaca Saamiga dawlada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland,waxaanu ku tilmaamay inuu arrinta u dhigay qaab beeleysan, isla markaana looga baahan yahay inuu dib isugu noqdo oo uu hadaladiisa ka fiirsado.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu wax laga xumaado lagu tilmaamay erey kasoo yeedhay Boqor Buurmadow oo ahaa ‘Beeshayadu Madaxweynaaanu nahay oo Kursigaanu kuwada fadhinaa’, taas oo uu ku tilmaamay hadal sumcad xumo ku ah beesha uu ka soo jeedo boqorku, isla markaana aan u qalmin xukuumadda uu hogaaminayo Axmed-Siilaanyo. Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar wuxuu sidaa ku sheegay Wareysi dhinacyo baddan taabanaya oo uu Khadka Telefoonka ku siiyay Shabakada Hayaannews.

Mar la waydiiyay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar qodobadii ay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Salaadiinta Gobolka Awdal waxa ilaa imika ka soo baxay? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Arrimahani waxay ahaayeen arrimo aan in baddan ka fikiraynay,waxay ahaayeen tabashooyin ay beeshani (Samaroon) tirsaneysay oo fara baddan, waxaanu kulan la yeelanay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaaahi Ismaaciil (Saylici),waxaanu u gudbinay tabashooyinkii aanu tirsanaynay ee saamiga-dawlada oo qoraal ah.Wanaan ka hor akhrinay.Dabadeed waxaanu qaadanay ballan-danbe,madaxweynuhuna wuu naga gudoomay,waanu ku qancay,oo waxaanu sugaynay inay jawaabi ka soo baxdo.Madaxweynuhuna waxa uu arrintii u saaray guddi qaran,annaguse madaxweynaha waxaanu uga fadhinaa tabashooyinkii aanu hor dhignay ee Saami-qeybsiga inuu nooga jawaabo.Ciddii uu u dirnayo iyo haddii ay gudida qaran u baadhayso isaga ayaa xaq u leh, annaguse wixii aanu hordhignay jawaabtoodii ma hayno.” Sidoo kale, mar la weydiiyay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar siday u arkeen guddidii uu Madaxweynuhu u saaray inay soo darsaan tabashooyinka Saamiga ee Salaadiinta Galbeedku u soo gudbiyeen? Waxa uu ku jawaabay “Anagu guddidaasi nooma taalo, Xukuumadda waxaanu ugu tagnay gar-naqsi oo waxaanu hor-fadhiisanay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka iyo Golaha Wasiirada intii ugu muhiimsanayd, iyagaanu (Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka) u gudbinay tabashadayadii, jawaabteediina waanu u fadhinaa. Guddidana xukuumadda ayaa magacaabatay oo dirtay,balse arrintayada dhamaadkeeda iyo dhamaad la’aanteeda-ba waa arrin madaxweynaha hor-taala”.

Mar la weydiiyay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar sida uu u arko Waraysigii Uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) siiyay Wargeyska Ogaal oo uu kaga hadlay tabashada la xidhiidha saami-qeybsiga Xukuumadda ee Salaadiinta Galbeedku u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland? Waxa uu ku jawaabay “Sideeda-ba ninka Madax-dhaqameedka ahi waxa wanaagsan waxa uu ka hadlayo inuu ka fiirsado, waayo isagu maaha shakhsi caadiya oo iska hadlay, waxa uu ku hadlayaa Afka beesha uu metelo,ee uu Madax-dhaqameedka u yahay. Arrinta uu Boqorku ka hadlayna maaha mid isaga u taalay oo jawaabteeda laga sugayay.,annagu arrintayada xukuumad-baanu kala hadalnay.Xukuumaddana waanu ka balansanahay, jawaabteedana xukuumadaanu uga fadhinaa.Laakin hadalka Boqorka (Buurmadow) waxaanu u aragnaa inuu leeyahay xukuumaddii ma jirto ee beeleynu nahay oo uu arrintii ku soo celiyo beelo wada-hadlayaa,oo uu annaga naga dhigo inaanu beel la hadalnay.Hadalka uu ku hadlayna waa mid ku khaldan beesha uu boqorka u yahay,waayo waxaanu isaga waydiinay may jirin-ba.Waxaanse u aragnaa inuu isagu u-jeedo ka leeyahay xagga xukuumadda ah oo uu doonayo inuu xukuumadda iyo dadka madaxa isku-geliyo, Marka uu leeyahay madaxweynaha beel ayaan ka soo wada-jeednaayo Kursiga waanu kuwada fadhinaa. Waxaan leeyahay hadal umadda qabta maaha xukuumadduna uma qalanto. Xukuumaddu waa xukuumaddii dadka, xukuumaddu waa xukuumaddii shacabku doortay, waxaan leeyahay Kursigana laguma wada-fadhiyee, nin ayaa ku fadhiyaa oo shacabku u doortay. Taasina waxay caddeynaysa inuu Boqorku wax beelaynayo”.

Suldaan Samatar“Marka uu leeyahay Gobolada Awdal hankoodii ayay hoos u dhigeen, waa mid aan waxba ka jirin, Madaxweynahan madaxweynihii ka horreeyay waxa uu ahaa Daahir Rayaale Kaahin,markii ay ka dhamaatayna madaxweyne Siilaanyo ayaa la doortay, waana rabitaanka shacabka, laakin waxaan ku sheegayaa markaad maanta adigu (Boqor Buurmadow) leedahay Kursigaanu kuwada fadhinaa,Kursigana kuma wada fadhidaane nin ayaa ku fadhiya oo shacabku u doortay, dimuqraadiyada ayay ka mid tahay kolba madaxweynaha shacbigu doorto inuu yimaado, annagu reer Somaliland ayaanu ka mid nahay. horena umanaaan odhan.Waxaan leeyahay Boqorku hadalkaa uu yidhi dib ha uga noqdo.Waxaanay u taala arrintu beesha uu Afkeeda ku hadlay, waxaanse soo dhaweynayaa dad baddan oo beeshiisa ka soo jeeda uu xaal naga siiyay, kana xumaa hadaladaa ka soo yeedhay, isagana waxaan leeyahay ka noqo oo isku noqo”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here