Bejin (Hubaal)-Xukuumadda Shiiciga ah ee ka arrimisa Dalka Shiinaha ayaa amar Ka dhan ah Caqiidada islaamka ku soo rogtay Gobolka Xinjiang ee Dalkeeda ka midka ah.
Amarkan ayaa lagu soo rogay Dadka u shaqeeya Dawlahada Hoose, Macallimiinta Dugsiyada iyo Jaamacadahatay, iyadoo Ardaydana la Faray inaanay soomi Karin, Gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Xinjiang.
Muslimiin Shiinah ah oo masaafuris uga maqan Gobolkaas ayaa aad ugu cadhooday Talaabadan, waxayna Tilmaameen inay tahay mid aanay aqbali kareynin.
Dowlada Shiinaha ayaa cadaadis xoogan ku haysay muslimiinta ku dhaqan Gobolkaas, waxayna u muuqanaysaa in cadaadisku sii badanayo.
Gobolka Xinjiang ayaa Xudun u ah Muslimiinta Laga Tirada badan yahay oo ka soo jeeda Qowmiyada Uighur ee ku dhaqan Wadankaasi