HUBAAL KA AKHRI: Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca ka qaaday Qorshe Ay Doonayso In Lagu Kordhiyo Wadahadalada Soomaaliya

0
33

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay qorshe dheeraad ah oo ay doonayso in lagu daro wadahadallada ka dhexeeya dawladda Soomaaliya, kaas oo wejigiisa lixaad loo qorsheeyey bisha soo socota ee August.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Somaliland wado sidii wadahadallada Soomaaliya looga ballaadhin lahaa sidii markii hore ay ahaayeen, lagana qaybgeliyo dalalka jaarka iyo kuwo kale beesha caalamka ah, halkii hore uu ku koobnaa dalka martigeliya oo keliya.

heshiiska somaliland iyo somalia galeen

“Wadahadallada waxa laga yaabaa dad badani inay u arkaan in aanay qiimo badan lahayn, hase ahaatee aad iyo aad ayey muhiim u tahay in wadahadalladu socdaan, Somaliland iyo Soomaaliya waa labada waddan oo walaalo ah oo doonaya inay sida ugu dhakhsaha badan inay u kala tagaan, annaga xagayaga, wadahadalladuna waa hordhaca arrintaasi.

Haseyeeshee waxaannu doonaynaa oo aanu jecelnahay in aannu walaalahayo kala hadalno in aannu shirka mustaqbalka ballaadhino beesha caalamka, gaar ahaan waddamada jaarka iyo dalal kale oo badan oo xiisaynaya inay ka qaybgalaan in lagu soo daro oo arrinta kor loo qaado, taas ayaanu wadnaa, waxaannuna filaynaa in aanay wax tuugo ah ahayn ee uu caalamku ogaado sidaannu u kala ambabixi lahayn walaalahayo oo ay gaadhay waqti aannu kala ambabaxno oo walaaltinimo, jaarnimo iyo wixii kale aannu wada qabsano karna aannu ka wadashaqayno,” ayuu yidi Wasiir Biixi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa shalay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay dawladda Soomaaliya isla qaateen in wejiga lixaad ee wadahadalku bilaabo bisha August ee soo socota, “Wadahadalladu waxay ahayd in ay dhacaan bishii May annaga ayaa dib-u-dhignay, waxaannu dib ugu dhignay oo waxa jiray xuskii 18-ka May oo ah maalin aad inoogu wayn, waxa kale oo jiray hawlihii shirweynaha xisbiga KULMIYE, markaa annaga ayaa laba jeer dib u dhignay. Intii dambena hawlo culculus ayaa ka taagnaa Muqdisho, kadibna waxa soo gashay bisha Ramadaan, markaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu naga codsaday in aannu wadahadallada ka dhigno bisha August, annaguna waanu ka aqbalnay,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here