HUBAAL KA AKHRI: Taxanaha Kaftan Siyaasadeed Magaciisu Yahay “Sadexba Nin baa eeday!” Iyo Qalinkii Maxamed Abiib Yuusuf

0
41

Waa kaftan Siyaasadeed oo aan ka simi doono dhamaan Masuuliyiinta Dawlada iyo kuwa mucaaradka ah wuxuna noqon doonaa taxane Todobaadle ah ilaa inta uu ka dhamaanayo.shacabka iyo Daneeyayaasha siyaasada waxan ka codsanayaa inay ila soo qiimeeyaan ilayn waxan ahay Bashar mar gafaya marna Asiibaya, waana Weedho aan malahayga is idhi kuwana Dhegahooda ayaa jecel kuwo kalana way dhibsadaan. Faalada iyo falanqayntana Akhristayaasha ayaa u dhaafayaa. Marka horana waxan ku bilaabaynaa Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.

SADEX Silaanyo NECEBYAHAY!!

1: Saxaafada madaxa banana lahadal

2: Xirsi maad Dalka ka qabatid

3:Tagida Xaflad Faysal joogo

SADEX SIILANYO JECELYAHAY

1.Muuse biixi waa is dhiibay

2.Reer Berbera waa muxaafid

3.Cigaal iyo Rayaale adaa ka waxqabad badan

SADEX SAYLICI NECEBYAHAY

1.Markale siilaanyo islama sharaxaysid

2.Xirsi Ayaan usocdaa/ Xirsi ayaa meel xadhiga ka jaray

3.Dadku ma ilma xaamud uunbaa

SADEX SAYLICI JECELYAHAY

1.Amaal iyo Geedoole waad ka adkaatay

2.Shirkii golaha dhexe waa laqabanayaa

3.Inta Gadabuursi aduu soo qor

SADEX XIRSI NEC EBYAHAY

1.lacagta ceerigaabo ayaa kula maamula

2.Maxamud Xaashi iyo Moorgan ayaa madaxwaynaha ugalay

3.Baabuur ayaad kurka ka jartay

SADEX XIRSI JECELYAHAY

1.wasiir dhalinyaro ah ayaad tahay

2.Arintan Haberjeclo ayaa leh ee saxeex

3.Mucaaridka loo joojin maayo

SADEX WARANCADE NECEBYAHAY

1.Habarjeclo ayay cidkale is dileen

2.Garabydii kulmiye waa heshiis

3.Geeljiraa madaxtooyada jooga

SADEX WARANCADE JECELYAHAY

1.Soomaaliya ujawaab

2.Nin Qaran ayaad tahay

3.Xirsi ayaa sidaa iyo sidaa yidhi

Sadex Samaale Necebyahay

1.Boorama ayaa la tagayaa

2.Boobe ayaa Gabilay tagay

3.Biixi ayaan taageersanahay

Sadex Samaale jecelyahay

1.Siilaanyo Ayaan xigto nahay

2.Siyaasi baa noqotee Masaajidki haku noqon

3.Saami qaybsi ma jiro

Sadex Geedoole Necebyahay

1.Siyaasada ka hadal

2.Saylici laheshii

3.Suldaan ayaa ku raba

Sadex Geedole Jecelyahay

1.Salaan uumbaa kuugu imid

2.Xirsi ayaad seedi tihiin

3.Bariis ayaad Beertay

Sadex Xagla-Toosiye Necebyahay

1.Galaydh Buuhoodluu tagay

2.adiga iyo Sandule keeba sareeya

3.Wadahadal ayaa khaatumo lala furayaa

SadexXagla-toosiye jecelyahay

1.Siilaanyaa dartaa diyaarad usoo raacay

2.Saylici ayaa lagugu badalayaa

3.Safar kuma tihid Hargeisa

Qalinkii Maxamed Abiib Yuusuf

Email:bulaawecade98@hotmail.com

Mobile: 0634562996

Lasoco qaybo kale oo xiiso leh.hadh

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here