Hargeysa (Hubaal)- Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa shaaca ka qaaday inay maanta ciidanka qaranka ee jiida Gambadha ee gobolka Sool isku soo dhiibeen 20 askari oo hubkoodii wata oo ka soo goostay kooxaha Nabad-diidka ah.
Taliyaha Ciidanka Qaranku waxa uu sidaasi ku sheegay war-qoraal ah oo uu xalay soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Abaarro 1:30 maanta waxa isu soo dhiibay Taliska ciidanka qaranka ee Jiida Gambadha ee gobolka Sool, 20 askari oo hubkoodii wata oo ka soo goostay Puntland.
Ciidankan oo ah dhalinyaro been loo sheegay oo dhawr bilood ka hor laga ururiyay degmadda Ceegaag ee gobolka Sool, ayaa gartay in kooxaha nabad-diidku ay jaho-wareeriyeen, sidaas daraadeed ay ku soo noqdeen dalkoodii kuna dhiiradeen inay ku biiraan Ciidanka qaranka JSL, iyagoo ku boorinaya inta ka hadhay tallaabadaasi caafimaadka qabta.”