Hargaysa (Hubaal)-Cuqaal, odayaal iyo dadka leh isla markaana degan duleed Koon fureed ee Madaarka Hargaysa ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay cutubyo Ciidanka Qaranka ka tirsan oo tiradoodu siday sheegeen Kor u dhaafayso 300 Boqol oo askari oo la dul dhoobay dadkaa,Waxaanay ku eedeeyeen Taliyaha Ciidanka qaranku inuu doonayo inuu xoog kaga qaado dhulkooda.
Shir Jaraa’id oo ay Odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ku qabteen magaalada Hargaysa waxay baaq midaysan ugu direen Madaxwaynaha somaliland oo ay ka codsadeen inuu si degdeg ah wax uga qabto mashaqadan, Intaanay Xaaladu Faraha ka bixin ayay yidhaahdeen.
Waxa ay sheegeen In hadh iyo habeen Ciidanku qori dhuunta kaga hayo dadka. “Halkan Maanta Waxaanu Kaga Cabanaynaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Nagu soo qaaday Weerar dhul Boob ah,isaga iyo Taliyaha Hawl Galinta Ciidanka qaranka kuwaas oo naga doonaya dhul ay xoog ku qaadaan,Waxaanu Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ku amaanaynaa Intii Yarayd ee uu Joogay inuu Gudi u saaray Kala Xadaynta Madaarka Iyo dhulka ay leeyihiin Shacabku,hawshaas uu madaxwayne Siilaanyo Guddida u Saaray hadana Way soo noqotay,waxaana hada nalagu haystaa dhulkii aanu Deganayn”, sidaa waxa yidhi Axmed Yaasiin.
Isagoo hadalkiisa Sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi; ”hadii ay dhimato kala danbayntu Wixi dhaci Doono Mooyi, Sidaas daraadeed Milatarigu hantidii Umada Iyo Tii Shacabkaba Gacanta ayay Mariyeen,halka ay Ciidanku nagu haystaan Waxa ay u dhaxaysaa Madaarka iyo Halka aanu daganahay ,Ciidankana Waxaan Leeyahay Shacabka aad Habeen Iyo Maalinba Qoriga La Dul Taagan Tihiin Waa Shacabkiinii,Madaxwayne Waxaana kusoo Jeedin lahaa inaad Masuuliyiinta aad Maamusho barto dabciga Kala danbaynta”.
Guddoomiyaha Xaafada Masalaha Cismaan Cumar Madar oo isna shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada looga baahan yahay in ay uso Gurmato,isla markaas ka dul-qaado Ciidankan Tirada Badan ee lasoo dhoobay Xaafadihii Masalaha,Waxaana uu Baaq Cod dheer Ah Madaxwaynaha somaliland ugu sheegay inuu si dag-dag ah Xaaladaas kusoo Cusboonaatay Deegaanka Maslaha Uga Dul-qaado waxaana uu yidhi”.
“Dhibaato wayn ayaa soo Cusboonaatay taas oo kusoo Cusboonaatay Deegaanka Masalaha,Waxaana Leeyahay Xad aanu wadaagno Ciidanka qaranka ma jiro,Ciidankuna Waxa ay Sitaan qoryo badh dalool Miidhan,markaa hadii laga qaadi Waayo ciidanka meeshaa,dadka halkaas jooga iyo Ciidanku way isku dhici doonaan, nabada Waa lagu wada nool yahay,Lakiin Taliyaha Ciidanka Qaranku waxaan u malaynayaa inuu isagu jabinayo,Waxaana Madaxwaynaha somaliland u sheegayaa in gudidii uu magacaabay Ay noqdeen qaar aan waxba dadka ugu filnayn,Ee Madaxwayne dadkaas usoo kala gurmo”.
Waxa uu sheegay ina wasiirka Guryanta iyo gadiidka uu Dhulkaas uu ku haysto Taliyaha Ciidanka qaranku uu u saxeexay Lahaanshihiisa,isla Dawlada Hoosane Cashuurtana,Sanadkastaba ka qaado,Waxaana uu Warbaahinta Tusay Waraaqaha ay Siiyeen Masuuliyiinta ay Arrimaha dhulka ku shaqada leh,Waxaana Uu Sheegay Guddoomiyaha Masalahu inuu Bur-buriyay Taliyaha Ciidanka qaranka Qodobka ah inaan Ciidanka booliska iyo millatarigu dhex gali Karin arimaha dhulka ee aan ahayn Xuduudaha somaliland.
Caaqil Cali Guray oo isna gaba-gabadii Munaasibada hadalo kasoo jeediyay ayaa ku dheeraaday Tariikhda ay dhulka soo dageen iyo ilaa hada waxaana uu yidhi
“Maalin Kasta waxaanu aragnaa dhul la boobayo Iyo Ciidankii Loo Xil saaray Xuduudaha oo dadkii kusoo rogaal celiya,Taasna waxaan leeyahay La aqbali maayo,Maxaa yeelay Shacabku,Uma Dul Qaadan Karo in ay dawladu Cabudhiso,una adeegsato Shaadh Dawladeed,Waxaana ugu baaqaynaa Cid kasta oo ay arintani Khusayso In ay Nasoo dhex galaan,Madaxwaynaha waxaana ogaySiin lahaa in Ciidanka horta nalaga dul qaado, bal waxa kale ha sii joogaane,hadii kalena wixii ka yimaada anagu Masuul ka noqon mayno”.