HUBAAL Ka Akhri: Maxaa Ka Jira in Guddoomiyaha KULMIYE Uu Saleebaan-gaal Ka Martiyey Kasbashada Xubno Dhego-nugul?

0
33

Muuse Biixi Oo Guddoomiyaha Guurtida Ka Codsaday in Uu Ka Caawiyo Xubno Uu Ku Yeesho Guddida Fulinta KULMIYE

Kulan Siyaasadeed Qarsoodiya Oo La Sheegay In Uu Dhex Maray Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Guddoomiyaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ka dalbaday in uu kala shaqeeyo sidii uu xubno isaga taabacsan ugu yeelan lahaa guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye, maadaama uu uga tanaasulaya Madaxweyne Siilaanyo Musharaxnimada Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee soo socota, Guddidaasina u janjeedho dhinaca Madaxweynaha.

muse-iyo-salebanKulanka labada Guddoomiye (Muuse Biixi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan) ayaa la sheegay in uu ka dhacay guriga Guddoomiye Saleebaan kadib markii Muuse Biixi ugu tagay si uu uga caawiyo sidii Madaxweyne Siilaanyo xubno uga siin lahaa guddida Fulinta xisbiga KULMIYE oo u badan siyaasiyiinta Madaxweynaha Taabacsan, hase yeeshee warku muu sheegin go’aanka uu Saleebaan Maxamuud Aadan kaga jawaabay codsiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Warkan oo aanu ka soo xiganay shabakadda farriin waxa uu intaasi ku darayaa in Ilo wareedyo aad ugu dhaw Guddoomiyaha Kulmiye Farriinnews.com u sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi u sheegay in aanu lahayn awood uu ugu magacaabo xubnaha uu doonayo, isla markaana aanu shakhsiyan go’aan ku lahayn talada Xisbigooda marka laga reebo Ergadii guurtidda ee dhex dhexaadisay oo uu Oday u ahaa mooyee. Lama oga Muuse Biixi dhinaca kale ee uu uga wareegayo Codsigan uu ula tagay Saleebaan Maxamuud Aadan maadaama qorshihii uu ula tagay aanu ku guulaysan in uu marsiiyo Guddoomiyaha Guurtidda, hase yeeshee waxa la filayaa in aanu ku qancin jawaabtiisa ee uu wali naawilayo sidii uu ugu qancin lahaa in uu la furdaamiyo xubnaha uu doonayo in Guddoomiye Biixi ku yeesho xunaha Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE. Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu dalka ka dhoofayey Golihiisa Xukuumadda iyo Labada Guddoomiye ee Xisbiga Kulmiye kula dar-daarmay mudada uu maqan yahay inaanay wax khilaaf ah sii samayn, taasoo ay labada dhinacba sideeda u qaateen, hase yeeshee kulanka Muuse la yeeshay ayaa u muuqda mid uu ku beegay imaansha Madaxweynaha oo maanta Dalka ku soo laabtay. Lama oga Madaxweyne Siilaanyo in uu Dalabka Muuse Aqbali doono iyo inkale, haddiibase ay dhacdo in qorshahani gaadho halka uu Muuse la doonayo, su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay ma aqbali doonaan Garabka kale ee ka soo horjeedaa, kuwaas oo u muuqday inay ka nasteen khilaafka Xisbiga maadaama Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ka tanaasulaya damaciisii, maxayse Muuse u taraysaa arrintani. Ma muuqato Natiijo wax ku Ool ah oo dajin karta xamaasadii Xisbiga hase yeeshee su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay yaa kolba Lurka ku soo kicinaya Muuse.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here