HUBAAL KA AKHRI: MAAMULKA MADAARKA HARGEYSA OO SHEEGAY IN RAKAABKII HORE U ADEEGSAN JIRAY MADAARRADA JIGJIGA, JABUUTI IYO BERBERA AY HADDA HARGEYSA U SOO WAREEGEEN

0
32

Maamulka Madaarka Hargeysa oo dadka rakaabka ah ka raalligeliyey shandadaha iyo alaabta ay wataan oo ka habsaama

 

Hargeysa (Hubaal)- Maamulaha Madaarka Hargeysa Mr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in garoonka caalamiga ah ee Cigaal xilligan shaqo xooggan oo dardar leh ka socoto, isla markaana aad u mashquul badan.

Maamulaha-madaarka-hargeysa

Mr. Yuusuf oo saxaafadda u warramay shalay, ayaa tibaaxay in dib-u-habayn iyo dib-u-dhis ballaadhan lagu sameeyey madaarka Hargeysa, taasina ay sababtay in dad aad u badan xilligan xaggaaga yimaadaan, duulimaadyo joogto ahna isticmaalaan garoonka, isagoo xusay in rakaab markii ay hore ka dhoofi jiray ama ka soo degi jiray madaarada Jabuuti, Jigjiga iyo Berbera ay hadda u wareegeen dhinaca Hargeysa.

“Waqtigan waxa aynu ku jirnaa waqtigii xagaaga oo shaqada ka socota Madaarka ay ku socoto dardar xoogan. Xagaaga sannadkani waa kii ugu dadka badnaa, tirada dadka soo dagayaasha iyo kuwa dhoofayaaba ahba aad ayey ubadan yihiin. Wasaaradda Duulista iyo maamulka Madaarkuba waqtigan xagaaga si weyn ayey ugu diyaargaroobeen, waxa aannu samayanay qorshe hawleed la xidhiidha u diyaar garowga wakhtiga xagaaga,. Dhammaan qaynbaha kala duwan ee madaarkana dib-u-habayn ayaannu ku samaynay. Waxaannu u diyaargarownay in dadka reer Somaliland ee xagaagan inoo imanayaa inay helaan adeeg hufan ee dheellitiran.  Waxa aannu diyaarinnay dhallinyaro shaqaale ah oo firfircoon, dib-u-dhis ballaadhan ayaannu ku samayay teerminalka madaarka. Ammaanka ayaannu sidoo kale sare u qaadnay, waxa kaloo aannu dadka ehelkoodu imayanayaan u diyaarinay goobo ay ku sugaan, ama ku dhoofaya ay ku sagootiyeen.

Waxa kale oo aannu diyaarinnay qalab ay dadku kala soconayaan wakhtiga ay diyaaradu soo fadhiisanayso ama kacayso. Mararkii hore su’aalo badan ayaa arrintaas naga iman jiray,” ayuu yidhi maamuluhu.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaarka Hargeysa xilligan qaabilay rakaabkii reer Somaliland ee hore u adeegsan jiray madaarrada magaalooyinka Jigjiga, Jabuuti iyo Berbera, waxaannu yidhi; “Waqtiyadii hore waxa dhici jirtay in dadku soo maraan, kana soo degaan garoomada diyaaradaha ee Jabuuti, Jigjiga ama Berbera. Saddexdaas madaar dadkii ka soo degi jiray ayaa maanta u soo wareegay Madaarka Hargeysa, marka lagu daro intii caadiga ahayd ee isaga markii hore adeegsan jirtay. Dadka baaxaddaas leh ayuu madaarku maanta u adeegayaa, taasina waxya ina tusinayaa awoodda madaarka iyo shaqada baaxadda leh ee Madaarka laga qabtay.”

 

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyey cabasho ka timi qaar ka mid ah dadweynaha safarka ah ee Madaarka Hargeysa ka soo dega oo la xidhiidha inay dib uga dhacaan shandadaha alaabooyinka ay sitaan, “Adeegyo badan ayaannu dadka u qabannay, laakiin waxa aannu jecelnahay in aannu ka raalligalinno cabashadooda ku aaddan in dadka shandahoodii ay diyaaraduhu soo kala horraysiinayaan rakaabka iyo shandadaha, taasina waxa sababay dad badan oo waqtigan xagaaga imanaya, dad badan ayaa culayska alaabta ay sitaan iyo kan diyaaraddu qaadaysaa kala bateen markay diyaaraddu rakaabka siddo, taasoo keentay in dadku alaabtii ka soo horreeyaan, maalin ama laba maalmoodka, dibna alaabtii la keeno. Arrintaaas annaga wixii na gala gudboon waxaannu jecelanahay in aannu samaynno, ka maamul ahaanna dedaal ayaannu u galnay in dadkaasi alaabtooda waqti habboon loo keeno, walow aan sidii aannu doonaynnay wax u dhicin ilaa hadda, laakiin arrintaas waannu ku hawlannahay oo shirkaddaha diyaaradaha ayaannu kala hadlaynaa. Dadweynaha shandahoodu ka raageen ee magaalooyin kale u socda waxaannu u samaynnaa adeeg dheeraad ah sidii hore alaabtooda loogu keeni lahaa,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here