Masuulkan Hadda La Magacaabay Waxa uu Hore u Ahaa Isu duwaha Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka SAAXIL
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa digreeto wasiir oo uu soo saaray shalay xilka kaga qaaday maareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera Mr. Maxamuud Gahayr Ismaaciil, xilkaasna u magacaabay masuul cusub.
Sidaasna waxa uu Wasiirku ku bayaamiyay digreeto uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxaanu Mudane Saleebaan Siciid Cali u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusub Haamaha Shidaalka Berbera.
Digreetadda Wasiirka Ganacsigu soo saaray oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-
“Aniga oo kaaga mahadnaqaya muddadii aad xilka haysay, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 15/05/2014 waxaan kaa qaaday xilkii aad haysay ee Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.
Sidaa daradeed, Waxaan ku farayaa inaad sida uu yahay nidaamka dawligu aad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aan xilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.”