HUBAAL KA AKHRI: Halacsiga Sawirro Lagu Daabacay Sabuurrada [WALL-ka] Mareegaha Bulshadu Ku Xidhiidho Oo Xafiiltan Ka Dhaxaysiiyey HARGEYSA & BURCO   

0
71

 Hargeysa (Hubaal) – Shabakadda Facebook oo ka mid ah Mareegaha bulshadu ku Xidhiidho ayaa marar kala duwan arrimaha la soo dhigo waxaa ka mid ah Sawiro Qosol ku jiro oo abuura kaftan iyo sheekooyin kale oo xiiso leh..

Hargeysa iyo Burco Shalay waxaa shabakaddan aan ka halacsadday Sawiro laga qaaday laba baabuur oo-yar yar oo ka kala shaqeeya magaalooyinka Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Burco oo mid walba ninka wataa Dhabrka qoraal Indhaha soo jiidanaya kaga qoray. Islamarkaana, markii la is barbar dhigay kaftan iyo sheekooyin qosol leh abuuray.

 Sawiradan waxaan ku arkay sabuuradda nin magaciisa la yidhaa Cumer M. Cumer…Labada qoraalka ay sideen waxaa ay kala yihiin;

 Hargeysa : All eyes on me!

 Burco : Ha igu Mashquulin

 Dad badan ayaa jawaabo ka bixiyay sawirkan oo midba dhinac taageeray, iyaddoo la eegayo Afka wax lagu qoray iyo nuxurka erayadda labadaba.. ta kale sheekooyin qosol leh ayaa ka abuurmay oo aan ka soo qaadan karro uun kuwan,.

 Waxaad i soo xasuusisay oday Dukaan ku haystay oo nin wax ka iibsaday….dabadeed, mar labaad ayuu haddana alaab uga baahday ninkii, markaasuu dukaankii ku noqday oo uu yidhi alaab kale iga iibi…odaygii dukaan ayaa intuu ku xanaaqay ku yidhi.. Waar miyaanu kuu khaldannay markii hore waadigan nagu soo socda uune…waxba kaa iibin maynee naga tag!” “Mid kale oo Timir leh ayaa mar kasta oo uu qof ka Iibiyo Timirta waa uu Farxashaa, haddana qof kale oo Timir doonaya ayaa u yimaada, kiina wuu ka iibiyaa haddana wuu farxashaa, ku sadexaad baa isna u yimid oo raba inuu timir ka iibsado, Odaygii Timirta iibinaayay oo dhibsanaya farxalka faraha badan ee Timirtu leedahay ayaa xanaaqay markaas ayaa waxaa uu ku yidhi ADEER Ama Mar isa soo wada raaca dadkiina Timirta doonaya ama waxba kaa iibin maynee na dhaaf.” “Anigu waxaan aad ugu qoslaa ninkii maqaaxida tagey ee koob gaaban dalbaday ee markii mudalabkii ama kabaryeerigii u keenay mid dheer, ku yidhi waar mid gaaban sownigii kaa dalbaday ee uu ugu jawaabay “dee addiguba badh iska qub”

SAwir-tile

Hargeysa iyo Burco-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here