Dadka waayeelka ah ee cimrigoodu gaadho konton jirka iyo wixii ka wayn ayaa la sheegay inay aad ugu naxariistaan, xayawaanka iyo dhamaan noolaha liita.
Daraasad cilmi oo dhawaan ay diyaariyeen dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka kooban dalal badan oo dunida ah ayaa ogaaday in qofba qofkuu ka da’ wayn yahay uu uga naxariis badan yahay naflayda liidata, waxaanay warbixintaasi si gaar ah u soo qaadatay haweenka waayeelka ah oo ay sheegtay inay aad u dhaqaaleeyaan xayawaanka liita ama ay dareemaan inay gaajoonayaan sida Bisadaha, Eyda, Xoolaha iyo dhamaan wixii naflay ah ee ay ka dareemaan inay gaajaysan yihiin ama dhibaato haysato.
Waxa dumarka aadka loo amanay ay u badan yihiin dalalka Sucuudiga, Suudaan, Maleesiya, Jabaan, England, Talyaaniga, Tuunisiya, Yemen, Ciraaq iyo meelo kale hasa yeeshee waxa la ogaaday in naflayda dhibaataysan dadka ugu naxariista badan ama aan dhibtooda sii eegan Karin ay ugu badan yihiin haweenka waayeelka ah.
Sida sawirkan ka muuqata Haweenay waayeel ah oo u dhalatay dalka Sucuudiga ayaa quudinaysa bisad ay kula kulantay wado caadiya, taas oo ay aragtay dhibaato ka muuqata, ka dibna u istaagtay.