Hargeysa (Hubaal) – Shir uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu yeedhay inay Hogaanka Xsibigu isugu yimaadaan xalay Qasriga Madaxtooyada ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in shirkani u baaqday ka dib markii sidda la wariyay ay soo baxday dalab la doonayo in ka hor shirkaasi ay isku sii arkaan si gaar ah Madaxweyne Siilaanyo iyo gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.
Ma jirto cid si rasmi ah u cadaysay kullankan oo ka mid ah hoggaanka Kulmiye iyo madaxtooyadda, balse xogaha la helay waxaa ay tilmaamayaan in kulankan baaqday ee hogaanka Xisbiga Kulmiye dhinaca madaxtooyaddu uga dan lahayd in Hogaanku ku baaqaan shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga si loo dhamaystiro doorashada Hogaanka Golaha Dhexe iyo Musharaxa Madaxweyne ee Shanta sano ee soo socota. In kasta oo weli ay muuqato kalla qaybsanaanta Kulmiye iyo Xukuumaddiisu.
Shirka Golaha Dhexe ayay balantu ahayd in maalin hore la qabto, balse dib ayaa loogu dhigay khilaafkii xisbiga iyo Xukuumaddiisa ka dhex taagnaa taasoo ay dhawaan golaha Guurtiddu soo af-jartay., balse illaa hada aan wali qabsoomin.
Guriga FAALLOOYIN HUBAAL: Akhri Nuxurka Shir-doceed Uu Madaxweyne Siilaanyo Ugu Yeedhay Hoggaanka KULMIYE Oo...