Hargeysa(Hubaal)Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV Ayaa todobaadkan gudihiisa Joojiyay Baahinta Wararka xisbiyadda Mucaaridka ah Ee UCID Iyo WADDANI .
Xisbi Mucaaridka UCID oo warsaxafadeed Soo Saaray ayaa Tvgaasi ka dalbaday in uu soo cadeeyo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xaqiraada iyo joojinta Warkii taageeryaal xisbiga KULMIYE kasoo goostay oo ku biiray xisbigaasi UCID.
Sidoo kale isla todobaadka ayay ahayd markii tvga Hctv la sheegay in uu diiday baahinta War xisbiga WADDANI Oo ahaa soo dhoweyntii Gudomiyaha Laanta Sweden Ee xisbigaasi oo dalka Soo Gaadhay.
Hadaba sidan ayuu u dhignaa warsaxaafadeedka uu xisbiga UCID ka soo saaray arrintan:
‘”’Xisbiga Ucid Waxaa Uu Doonayaa In Tvga Hc.T.v Noo Cadeeyo Sababta Looga Reebay Wararkii Ka Baxay Tvga Warkii Xisbiga Ucid Ee Uu Soo Duubey Aaden Cabdi Iidle Ee Ahaa Taageerayaashii Miisaanka Lahaa Ee Ku Soo Biirey Xisbiga Ucid
Waayo Waxaa In Mudo Ahba Soo Noq noqonayey Dhacdadan In Warka Xisbiga Ucid Laga Reebo Wararka Ka Baxa Tvga Hc.Tv Ee Madaxa Banaanaa
Hadii Si Deg Deg Ah Aad Noogu Soo Cadeyn Weydaan Falkaa Foosha Xun Ee Lagula Kacey Xisbiga Ucid Waxaanu U Fahmeynaa Ama ,Arinta Macnaheeduna wuxuu Noqonayaa In T.vga Horn Cable Uu Gacan Saar La Leeyahey Xukuumada Talada Haysa Oo Aydaan Bulshada Dhex Dhexaad U Aheyn
Ugu Danbeynti Waxaanu Go,aan Deg Deg Ah Ka Soo Saari Doona Talaabada Aanu Ka Qaadan Laheyn Hc.Tv
Allaa Mahad Leh
Xarunta Xisbiga Ucid