Hargeysa: SONYO Oo Qabatay Kulan Laga Dooday Waxqabadka Golayaasha Degaanka Iyo Dhiirigelinta Maayarada Dhalinyarada Ah

0
34

Hargeysa (Hubaal)- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa xalay Hoolka Shirarka ee dalladda SONYO ku qabatay Kulan ballaadhan oo isugu jiray dood iyo dhiirri gelin la xidhiidha Maayarrada iyo mudanayaasha dhallinyarada ah ee Golayaasha Deegaanka Dalka si gaar ahna loogu eegay sidii Golayaasha deegaanku u kordhin lahaayeen waxbqadka arrimaha Bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

 madaxada sonyo

Kulankan oo ahaa mid si weyn looga soo qayb galay waxa dadkii shirkaasi dood-wadaageedka ah ka soo qayb galay ka mid ahaa Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, Ururada Bulshada, Saraakiisha sarsare ee dalladda SONYO, maayarrada Degmooyinka Gabiley iyo Oodweyne iyo marti-sharaf kale oo aad u badan aqoonyahano dhallinyaro ah.

Ugu horrayn musaanibadda waxa hadalo dardaaran iyo guubaabo u badan ka soo jeediyey Guddoomiyaha dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo sheegay in SONYO mar walba barbar taagan tahay dhallinyarada siyaasadda dalka ka qayb gashay ee masuuliyiinta ka noqday goobo badan oo ay ka mid yihiin maayarrada dalku.  Guddoomiyaha SONYO waxa uu sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii dhiirri gelin loogu samayn lahaa Maayarrada Dhallinyarada ah ee ay ka mid yihiin Maayarka Degmada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi, Maayarka Cusub ee degmada Gabiley Md. Maxamed-Amiin Cumar Cabdi iyo Maayarka Degmada Oodweyne Md. Cabdixakiim Nuur Muuse Kuwaasi oo dhammaantood hore uga mid ahaan jiray masuuliyiinta SONYO. Guddoomiye Siyaad waxa kale oo uu sheegay in ujeedada kale ee ay kulankan ka leeyihiin tahay sidii Golayaasha deegaanka loogala tashan lahaa waxqabad buuxa oo ay ka sameeyaan arrimaha Bulshada gaar ahaan arrimaha Khuseeya Dhallinyarada.1

kulanka sonyo qabatay“Waxa sharaf weyn noo ah in aanu maanta arkayno dadaalkii ay SONYO sannadaha badan ku soo jirtay ee ahaa in ay dhallinyaradu talada dalkooda wax weyn ku yeeshaan oo ka qayb noqdaan. Waxa maanta inala fadhiya masuuliyiin badan oo dhallinyaro ah oo xukuumadda iyo golayaasha deegaanada xilal waaweyn ka haya. Waxa kale oo aanu ka SONYO ahaan mar walba awoodda saari doonaa sidii aanu golayaasha deegaamada ugala shaqayn lahayn in ay wax badan ka qabtaan baahiyaha dhallinyarada sida dhismayaasha garoomo, goobo aqoon-korodhsiyada la isku waydaarsado iyo guud ahaan wax kasta oo wanaag u horseedaya dhallinyarada” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo hadalkiisa raaciyey in ay SONYO u hawl gali doonto sidii ay xarumo waaweyn oo dhallinyarada loogu tala galay uga dhisi lahayd dhammaanba magaalooyinka waaweyn ee dalka isaga oo arrinkaasi golayaasha deegaanka farriin ugu diray in ay SONYO kala shaqeeyaan.

Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Md. Maxamed Faarax oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ka akaademiyad ahaan garab taagan yihiin sidii ay SONYO ugala shaqayn lahaayeen wax ka qabshada baahiyaha dhallinyarada ee gaarka ah. Maxamed Faarax, waxa uu dardaaran xoog leh u jeediyey dhallinyarada masuuliyiinta ka noqday golayaaasha deegaanka dalka oo uu ku guubaabiyey in ay magaca dhallinyarada dhawraan oo ay noqdaan kuwo ka midho dhaliya hanka shacabkoodu u qabaan kana soo baxaan imtixaanka u yaalla dhallinyarada si ay bulshadu u aamninto in ay dhallinyaradu ka soo baxeen waajibaadkii loo igmaday maadaama aynu tijaabo ku jirno haddii aan dhallinyaro nahay.

sonyoAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo isna kulankii xalay ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda talada haysaa wax weyn iska saartay masuuliyaddii kaga aaddanayd in dhallinyarada laga qayb galiyo talada dalkooda maadaama ay yihiin cududdii dihinayd iyo aqoontii umadda loona baahan yahay in jaaniskaa xukuumaddu ina siisay haddii aan nahay dhallinyarada aan ka ciyaarno door weyn oo aan dalkeena iyo umaddeena ugu shaqayno.

Guddoomiyayaashii Hore ee SONYO Md. Yaxye Ubaxle iyo Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la garab joogsado talo iyo dhiirri gelina lala garab joogsado dallinyarada masuuliyiinta ah ee maanta golayaasha deegaanka maamula sida maayarrada Boorama, Gabiley iyo Oodweyne. Labadan masuul waxa ay ka soo sheekeeyeen doorkii shariifka ahaa ee SONYO ku lahayd in maanta dhallinyaradu noqdaan awood ka muuqata siyaasadda dalka iyo goobaha talada umadda lagu gooyo taasina keeni karto in ay baahiyihii dhallinyarada iyagu dareemi karaan miiskana soo saari karaan iyaga oo ku baaqay in la laban laabo dadaalada dhallinyarada wax loogu qabanayo.

Intaa kadib kulankii xalay waxa lagu soo bandhigay dood ku saabsan sidii Golayaasha Deegaanka dalku si gaar ah isaga xil saari lahaayeen wax u qabashada arrimaha dhallinyarada iyo in la qiimeeyo sida ay dhallinyarada golayaasha deegaanka ku soo baxay u guteen waajibkii la saaray ee ay mudnaayeen in ay ka soo baxaan. Dooddaasi waxa ka qayb galay oo wadaagay Aqoonyahano ay ka mid yihiin: Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha Guud Md. Mukhtaar Maxamed Cali, Sahra-Kiin Cabdiraxmaan, Maayarka Oodweyne Md. Cabdixakiim iyo Xubin ku hadlayay afka Jaamacadda Hargeysa, waxaana dooddan daadihinaysay Hoodo Ayaan oo ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland.

Gabagabadii Kulankaasi waxa lagu guubaabiyey Labada Maayar ee Oodweyne iyo Gabiley iyada oo si gaar ah loogu hambalyeeyey xilkana loogu duceeyey Maayarka Cusub ee Degmada Gabiley Md. Maxamed-Amiin. Kulamo kale oo noocan oo kale ah ayaa caawa iyo habeen dambe dalladda SONYO ku kala qaban doontaa magaalooyinka Berbera iyo Burco.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here