Anigoo ah xoghayaha guud ee kumeel-gaadhka ah ee garabka dhallinyarada heer-qaran ee xisbiga waddani cabdalle ciise xassan
waxaan halkan hambalyo uga dirayaa sanad-guurada 21aad ee kasoo wareegtey markii dhidibada lootaagey ciidamada qaranka jamhuuriyadda somaliland.
waa wax lagu farxo waana astaanta caddeyneysa ineynu nahey dawlad madaxbanaan oo leh ciidan qaran oo difaaca dalkooda hooyo.
ciidanka qaranku waa kuwa mar walba heegan ugu jira ilaalinta iyo difaacidda dalka iyo dadkaba.
waxaan bogaadinyaa ciidanka iyo xaasaskoodaba waxaanan leeyahay ilaahey ha,idiin fududeeyo ilaaladaa aad umadda iyo dalkaba ku-hagoogteen.
ilaahey waxaan idiinka baryayaa in sanadkaa sanadkiisa kugaadhan guul iyo ictiraaf.
guul iyo gobonimo