Hargeysa (Hubaal)-Af-heeyaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibrahin Mahdi Buubaa, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia oo eedaymo u soo jeediyey Somaliland, waxaanuu ku tilmaamay hadalladaasi qaar aan waxba u dhimi Karin Somaliland oo ay tahay qaran tashaday.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay wada hadallada ay Somaliland kula jirto Somalia, isaga oo goleyaasha sharci dejintana ugu baaqay inay dib uga fadhiistaan go’aankii lagu fasaxay wada hadalladaasi, waxanuu tilmaamay inay Somaliland dhaawac ku keeneen wada hadaladaasi intii ay socdeen.
Ibraahin Mahdi Buubaa oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxanu maal mahan-ba ka war haynay in Wasaaradda arimaha dibedda Somaliland ama Xukuumadda oo in badan daba socotay in la soo celiyo wada hadalladii u dhexeeyey Somaliya iyo Somaliland, waxananu cambaaray naynaa wada hadallada ay dalbatay ee ay ku keliyeysatay Somaliland oo aanu horana ugu baaqnay imikana waanu ku baaqaynaa in ay Somaliland ka baxdo wada hadallada ay kula jirto dawladda Somaliya, sababta oo ah majirto wax faa’iido ah oo halkaasi ka soo socota, waxanay arintu markii horeba ka xumaatay xukuumadda Somaliland oo wax ajande ah oo xukuumadda Somaliland ay la tagtay wada hadalladii Somaliya majirto qorsho la’aantaasina waxay keentay in lagaga baxo wada hadalladii ay kula jirtay dawladda Somaliland, taasina ay sababtay in xukuumadda Somaliland ay si daciifnimo ah u baryootanto oo ay daba socoto wada hadallada, waananu cambaaraynaynaa arrintaas oo waxanu leenahay mageydo Xukuumadda Somaliland arimaheeduna waa muqadas oo waa lama taabtaan”
Ibraahin Mahdi Buubaa oo u jawaabaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia waxa uu yidhi “Nin xamar jooga oo xalay (habeen hore) hadlayey oo wasiirka arrimaha Dibedda ahna, waxaanu leenahay Somaliland kuuma baahna, nin ka shaqo tegayna uma baahna Somaliland oo waa qaran jira oo aan u baahnayn waxaas aad ku hadashay iyo wax la mid ah toona, Xukuumaddana waxaanu leenahay qadiyadda somaliland waxa iska leh umadda, wixii aad samayseen ayaana keentay fool xumadaas inay ku dambeeyaan wada hadalladdi Somalia lagula jiray, waxaanu leenahay gogol ballaadhan fidiya oo ka soo qayb geliya wax garadka iyo axsaabta siyaasadda, taas oo talo u cuntami karta qaranka oo go’aamo wax ku ool ah oo meel lagu gaadhi karana ay ka soo bixi karaan, laakiin inta aad isku ururinaysaan taladeedii waad hesheen abalkeedii oo abaalkiin ayaa idin helay ayaanu leenahay, waananu idinku cambaaraynaynaa baryootankaas aad leedihiin dunidu ha iskugu kayo timaado oo ha nala wada hadashiiyo Somalia, wada hadalkaas midho la’aanta ahna farsamo xumada aad samayseen ayaa kow ka ah, ka noqda go’aamadaas qallafsan ee aad kelidiin qaadateen ee foosha xun ee ah inaad kelidiin miiska wada hadallada fadhiisataan, u bandhiga umadda leh qadiyadda Somaliland arrinta”
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey “Waxaanu ka xunahay waddamo waaweyn oo maanta u arka in qadiyaddii Somaliland la laabay gebigeedaba, taasina waxa ay ka mid tahay farsamo xumaanta lagu hagayo siyaasaddii Somaliland maanta, waayo dunidu haddii aad ku guul daraysato inaad ka dhaadhiciso qadiyaddaada waxa ay noqonaysaa inay albaabada kaa xidhaan, waxa laga soo sheegayaa hadda waddamo ay ka mid tahay Denmark inay soo saartay qoraallo ay kaga hadlayso qadiyadda Somaliland, waana nasiib darro oo waanu cambaaraynaynaa waananu ka xunahay, waxaanu Umadda u sheegaynaa dhibaato kasta oo soo gaadha qadiyadda Somaliland inay masuuliyaddeeda qaadayso xukuumadda talada haysaa, Golaha wakiilada ee ansixiyey in Somalia lala hadlana waxaanu leenahay dib ha uga fadhiistaan oo ha ka fiirsadaan ayaanu leenahay arrintaas, waayo sadex sanno ayaa laga joogaa markii la fasaxay in Somalia lala hadlo, waa in la is waydiiyaa maxaa inoo soo kordhay oo ay goleyaasha sharci dejintu is weydiiyaan, waxaan ugu baaqayaa labada goleba inay arrintaas ka fiirsadaan oo ay dib ugu noqdaan, waxaan u arkaa anigu in arrintaasi ay inagu keentay fool xumo oo aan wax midho dhal ah laga gaadhin” .