HALKAN KA DHAGEYSO Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabtay + Daawo Sawiro

0
51

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib hawlo shaqsi ama fasax-gaaban oo uu madaxweynuhu ku joogay Wadanka Ingiriiska.

Ayaa maanta waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyadoo lagaga hortegay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeysa, waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mujaahid Maxamed Kaahin, Xubno ka mida Golaha Wasiirada Somaliland, Xildhibaano uu hormood ka yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanku, Wasiir ku-xigeeno, Taliyeyaasha Ciidamada kala Duwan ee Dalka, Marwooyin badan oo ka socday Xisbiga Kulmiye.

DSC_0313

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland  iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ka dibna waxa jidadka waa weyn ee caasimada ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo lulaayey caleemo, Calamo, Sawirada Mdaxweynaha iyo Ubaxyo.

DSC_0316 DSC_0326

Waxaanu madaxweynuhu soo gaadhay Qasriga Madaxtooyada oo ay ku sugayeen masuuliyiin badan oo ka mida Xukuumada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL.

DSC_0329DSC_0345DSC_0348 DSC_0356 DSC_0363 DSC_0427

DHAGEYSO madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here