Hargeysa (Hubaal) Doodii Jimcaha ee BBC-da ayaa waxa lagu soo qaatay khilaafka cakiran ee beryahan dambe ka taagnaa dalka Somaliland.
Doodan oo uu daadihinaayay wariyaha BBC-da mr Cabdi nuur ayaa waxa ka qeyb qaatay dhinacyada isu haya khilaafka xisbiga Kulmiye.
Dhinacyada kala taabacsan labada garab ee xisbigu u kala jabay ayaa waxa ay isu hayaan shuruucda xisbiga oo midiba dhankiisa wax ka wata
Dhinaca taabacsan madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiiradiisa, ayaa waxa ka mid ahaa xubnaha doodan ka qayb qaatay wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, halka dhanka kale uu ka socday guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Jaamac Shabeel.
Waxa kale oo ka qeybqaatay doodan dad fikradahooda ka dhiibabanayay oo bulshada ka socday.
Guji Halkan Si aad u dhageysato