xubnaha koomishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ee cusub ayaa maanta si rasmiya ula wareegay xilkii koomiishanka ka dib markii maalintii shalay ahayd loo dhaariyay xilkaaasi.
Xil wareejitan oo ay hadheesay buuq iyo sawaxan xoogan oo ka dhex taagan xubnaha cusub ee koomiishanka doorashooyinka oo isku haystay nidaamka doorashada hogaanka koomishanka kuwaas oo ukala baxay xukuumada iyo mucaaridka, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen wakiilo ka socday xisbiyada qaranka Somaliland,kulankan oo qaatay saacado badan oo noqday mid la isku mariwaayay ayaa waxa ugu dambayntii lagu soo dhameeyay in ay dhankii xukuumadu ku guulaysteen inay hantan hogaanka sare ee koomishanka doorashooyinka qaranka oo ay u doorteen Eng. c/qaadir iimaan oo ka socday madaxtooyada halka ku xigeenka loo doortay isla xubni ka socotay madaxtooyada, afhayeenka ayaa isna loo doortay Siciid cali muuse oo isna ka socday golaha guurtida.
HALKAN KA DAAWO CABAADKII MUCAARIDKA IYO CEL-CELINTII XISBUL-XAAKIMKA